Hargeysa (ANN)siyaasiga Axmed Xuseen Ciise, ayaa doraad xafiiskiisa ku weeraray isla markaana u hanjabay Mulkiilaha dugsiga sare iyo Jaamacadda Abaarso TECH  ee ku taala duleedka Hargeysa tMr. Jonnaton Star oo u dhashay dalka Maraykanka, siday shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ahi.Axmed Xuseen Ciise oo

wakiil u ahaa mulkiilaha, ayaa la sheegayaa in uu wado qorshe uu doonayo inuu meesha kaga saaro mulkiilaha dugsigaasi Jonnaton Star oo dhaqaale badani ka galay hirgelintii dugsigan waxaana la sheegay in uu ninkaasi u hanjabay isla markaana ugu baaqay inuu dalka ka baxo.
Sida wararkaasi sheegayan, Jonnaton Star ayaa xukuumadda Somaliland gaadhsiiyay dacwad ka dhan ah siyaasiga Axmed Xuseen Ciise oo uu sheegay inuu hadiday isla markaana uu cabsi geliyay si uu ugala wareego Jaamacaddan oo uu xusay inay lacag badani ka gashay. Sidoo kale, Mulkiilaha iskuulkan oo ah maamulaha, ayaa waxa la xaqiijinayaa inuu hay’adaha amaanka ee Somaliland ka dalbaday inay ammaankiisa la socdaan, maadaama oo uu Dr. Axmed Xuseen Ciise cago-juglayn ku hayo.
Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ah nin wadanka Maraykanka deganaa muddo dheer waxna ku soo bartay isla markaana qaba gabadh dublamaasiyad Maraykan ah ayay arrintani ku noqon karaysaa mid yeelata saameyn laxaad leh.

Xigasho Somaliland.org

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *