Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo xalay u hoyday magaalada Gebilay ayaa maanta booqday deegaanka magaalada xuduuda ku taala ee Wajaale, halkaas oo si balaadhan loogu soo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wefdigiisa.
Madaxweyne Siilaanyo ka hor intii aanu maanta tegin magaalada Wajaale, wuxuu meel fagaare ah kala hadlay kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha magaaladaa gebilay ku dhaqan.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu dadweynaha reer Gabilay uga mahad celiyay codkii aqlabiyadda ahaa ee uu ka helay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee 2010-kii. Wuxuuna sheegay inay xukuumad ahaan dedaal u galayaan sidii ay u horumarin lahaayeen adeegyada bulshada ee gobolka Gabilay oo uu maantaba ka amar ku bixiyay in loo sameeyo deegaanka gebilay. Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaan dawlada kooban ee uu dhisay aanay ka wada muuqan Karin dhamaan dadkii u soo olaleeyay oo dhami,balse bulshaddu ay codkooda ku bixiyeen inay helaan horumarin iyo adeegyo bulsho. Sidaa awgeed aanay dheg u dhigin dacaayadaha aan loo baahnayn ee dadka danaystayaasha ahi wataaan.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inuu dedaal dheer u galayo sidii Somaliland ictiraaf uga heli lahayd beesha caalamka, balse loo baanayahay in gamcaha lays qabsado oo meel loo wada jeesto. Iyadoo wefdiga madaxweynuhu galabta kusoo laabteen magaalada Hargeysa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com