Burco(ANN)Madaarka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa dib loo furay. Kadib markii sanadii u danbeeyay uu xidhnaa. Sidaana waxa maanta kaga dhawaaqay munaasibad xaflad dib loogu furayo oo lagu qabtay Madaarka 

 Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
Munaasibadaa waxaa ka soo qayb galay maamulka Gobolka Togdheer, maamulka dawlada Hoose ee magalada Burco, Guddida horumarinta Gobolka Togdheer, Madaxdhaqmeedyo, masuuliyiin ka socday wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland oo uu horkacayey Wasiirku iyo marti sharef kale.
 Wasiirka  Duulista Mr. Maxamuud Xaashi  ayaa ka sheegay munaasibadaa inuu  maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray madaarka Burco. Kadib dib u habayn iyo dib u dhis lagu sameeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco.

Sidaa awgeed maanta laga bilaabo u furan yahay oo ay  shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka hawlgalaa soo fadhiisan karaan madaarka, isla markaana waxa uu xusay inay qorshaha shanta sannadood ah ee wasaaradiisa ay ugu jirto inuu madaarka u sameeyo dhabo Laamiya oo ay diyaaradaha casriga ahi fadhiistaan, isla markaana ku duuli karaan.

Wasiirku waxa uu sheegay inay garoonka xiligan ka  haadi karaan oo ay isticmaali karaan,   Diyaaradaha uu culayskoodu dhan yahay 1000kg iyo noocyada kale ee dalka laga isticmaalo. Sidoo kale waxa uu wasiirku caddeeyey in wax badan dhinaca horumarka ah ay ka qabteen madaaradda Hargeysa, Berbera, Burco iyo Borama, isla markaana ay qorshaha ugu jirto inay si caddaalada ah ugu qaybiyaan madaaradda dalka oo dhan wixii khayraad ah ee ka soo baxa dalka.
Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ugu  baaqay guud ahaan dadweynaha Burco iyo Guddida horumarinta Gobolka Togdheer in aanay cidna ku halaynin horumarinta garoonka diyaaradaha, isla markaana loo baahan yahay inay u diyaar garoobaan sidii ay uga qaybgeli lahaayeen horumarinta garoonka iyo guud ahaanba gobolka.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamuud Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey halkaa, ayaa ballan qaaday inay maamul ahaan tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka uu hungurigu ka galay dhulka madaarka oo ay si dhakhso ahna ay uga rari doonaan dadka hada degan Madaarka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Guddida horumarinta Gobolka Togdheer Maxamuud Aadan Dheri ayaa  sheegay inay guddi ahaan si madaxbanaan uga hawlgali doonaan horumarinta madaarka Burco, isla markaana ay wasaaradu hore ugu xilsaartay guddiduna hadda ay soo diyaariyeen qorshihii madaarka lagaga dhigi lahaa mid dhamaystiran, taasna ay qorshaheeda kaga hawlgali doonaan jeebka ganacastada Gobolka Togdheer.

Madaarka magaalada Burco ee maanta dib loo furay kadib markii uu xidhnaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay waxa  dhararkiisa lagu qiyaasaa 2,400 oo Mitir, iyadoo albaabada qiyaastii laba sanno ka hor, xiligaa oo  ay xukuumadii hore  ee Madaxweyne Rayaale sheegtay in aanay fadhiisan karin diyaaraduhu. Waxaana taasi ay fursad siiysay in guryo laga dhisto oo ay dad shicibi degaan gudaha iyo meelo kale oo dhulka Madaarka ah, balse wasiirka duulista Mr. Xaashi ayaa digniino dhowaan ku  siiyay dadkaa inay ka guuraan dhulka Madaarka, kuwaas oo aan welli ka guurin halkaa.
 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *