Hargeysa(ANN) Afhayeenka MadaxtooyadaCabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in Madaxda Koonfurta Suudaan ay u caddeeyeen inay Madaxweynaha Somalialnd ku soo marti qaadaan debaal dega maalinta natiijada codbixinta koonfurta Suudaan la soo saaro.

Afhayeenka oo ka mid ahaa Koox  Suxufiyiin reer Somaliland ah oo ka soo laabtay xarunta Jubba ee koonfurta Suudaan, oo ay qeyb galay goob joog ka ahaayeen aftida ka socota Koonfurta Suudaan oo maanta maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada  waxaanu yidhi  “Xubnahahayagani 3-dii bishan ayaanu ka baxnay Hargeysa waxaanu ka koobnayn madaxda ururadda Saxaafada, 3 xubnood oo ka mid ah Komishanka doorashooyinka Somaliland iyo laba  Suxufi oo ka socday Wargeyska Saxafi oo iyaguna iskood isku soo  xil qaamay ay toos noogu yimaadeen waxaanay maalin nooga  horeeyeenba meeshii aanu ku soconay oo ahayd Jubba Xarunta koonfurta Suudaan. Inaanu war uun doono nagamay ahayn ee waxay naga ahayd inaanu Somaliland sahan u noqono oo aanu aftida ka dhacaysay Koonfurta Suudaan aanu ka qeyb galo.safarkan waxa gacanta u weyn leh oo hindisuhu ka yimid Madaxtooyadda. Waxaanu DJauuti ayaanu ku sii hakanay oo ninka Ganacsadaha ah ee Maxamed Aw Siciid wuxuu gacan naga siiyay jaakeedadan aanu xidhan nahay iyo Garamo ay ku qoran tahay Somaliland oo illaa Lixdameeyo midh ahaa, oo aanu ku qaybinay Jubba oo noo yeelay haybad.”

Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa kale oo uu u mahad celiyay Shirkada Xawaaladda Dahabshiil waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan u mahad naqayaa  Shirkadda Dahabshiil oo aan anigu u haystay shirkad wax sarifata uun hase yeeshee aan ogaaday qiimaha ay inoogu fadhido oo meesha Jubba la yidhaahdo ee xarunta Koonfurta Suudaan inay iyadu safaarad inoo tahay ayaanu soo ogaanay oo waliba ah safaarad reer koonfurta Suudaan maalin ay ku adkayd inta ay ka saartay oo maalintii cunaqabataynta lagu soo rogay Suudaan oo la waayay meel shilin ka soo galo koonfurta Suudaan waxay u fududeysay. Reer koonfurta Suudaan waxay Dahabshiil u hayaan abaal gaar ah oo reer Somalilandna wax u noqonaya.”

Afhayeenka oo ka hadlayay waxyaabihii uu halkaasi ka qabteen wuxuu yidhi “Mudadii aanu halkaasi joognay laba hawlood uun baanu qabanaynay,  midi waxay ahayd hawshii caadiga ahayd ee warar soo ururinta iyo warar soo dirida, midina waxay ahayd olale meesha waxa iskugu yimid afar kun oo goob jooge oo ugu yaraan lix Boqoli ay matalayeen Suxufiyiin iyo Siyaasiyiin waaweyn, inkasta oo markii aan Hargeysa imid aan arkay iyagoo  qaar ay leeyihiin Madaxweynuhu inuu tago ayay ahayd, meesha Madaxweyneyaal may imanaynin ee waxa yimid Ururo waaweyn oo caalami ah.
Waxa imanayay dadka la doonayo in laga rumaysto goob joogenimadda. Madaxweyneyaashu waxay imanayaan marka natiijada Aftidu soo baxdo.
Waxaanu ku guulaysanay inaanu la kulano madaxda dawlada koonfurta Suudaan waxaanu aragnay Wasiirka Warfaafinta oo siyaasi weyn ah iyo Wasiirka arrimaha dibada ama iskaashi Goboleedka. Aftidaasi waxay u dhacday si layaab leh, xamaasad ayay dadkaasi ku codaynayeen. Waxa muuqatay in dadka koonfurta Suudaan ay u muuqdeen inay u coddeeyeen inay ka go’aan Suudaan inteeda kale.”

Mr. Cukuse wuxuu sheegay in madaxda koonfurta Suudaan ay caddeeyeen inay madaxweyne Siilaanyo ku casuumaan maalinta dabaal degga qaranka cusub isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Madaxda aanu la kulanay Wasiirradii Warfaafinta iyo Arrimaha dibada labaduba waxay si toos ah noogu yidhaahdeen Madaxweynaha Somaliland waxaanu casuumaynaa maalinta Aftidu dhamaato ee aanu dabaal degayno qarankayaga. Waxyaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ah Askariga Taraafiga ah iyo mudalabka Hoteelku, labaduba way garanayaan Somaliland. Mide kale waxa ay ahayd meeshii ugu horeysay ee dhagahaygu maqlaan ee Baasaboorka Somaliland kaga sareeyo Baasaaboorka Soomaaliya. Qaarkiin “Saxaafadda” Hargaysa Stare iyo mooyi waxay ahaayeene, waxaa la ii sheegayay in ay qoreen waxay ku baxeen Baasaboorka Soomaaliya. Anagu waxaanu ku baxnay Baasabooradda Somaliland, waana kuwaas Fiisayaashoodii. Baasaboorka Soomaaliya dadka sita waxaa ka qabsanaysay ciqaab  iyo dhibaato, ka Somaliland-na fadhiga ayaa looga kacayay, waxay ogyihiin in aynu isku qadiyad nahay oo ay wax inaga dhexeeyaan. Waxa uu ii sheegay wasiirka warfaafintu in ay sannadkii 2004-tii ay go’aansadeen in ay booqasho ku tagaan Somaliland, hase yeeshee ay Somaliland fursadaas lumisay.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha TV-ga madaxa Banaan ee Horn Cable Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) iyo Guddoomiyaha Wargeyska madaxa banaan ee Saxafi Maxamed rashiid Maxamed Faarax, waxaanay ka warameen waxyaabihii ay ku soo arkeen magaalada Jubba iyo sidii ay u socotay aftidaasi.

Araweelonews Mobile

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *