Berbera(ANN)Askari ka tirsan ilaalada Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera, ayaa si lama filaana looga qaaday hubkii uu sitay, ka dib markii sida la sheegay looga shakiyay dilka Madaxweynaha  Silaanyo  oo Isniintii todobaadkan lagu soo dhaweeyay magaalada

Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Askarigan oo magaciisa la yidhaahdo Amiin Maxamed Cabdi oo hubka laga tiriyay fagaare masuulliyiinta dawladda ee gobolka Saaxil  u taagnaayeen soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo Isniintii socdaal ku tegay Berbera, waxaana sida la sheegay amarka askarigaas hubkii uu sitay lagaga qaaday bixiyay Maamulaha Kastamka Berbera Cali Bul Bul Axmed.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda masuulliyiinta dawladda ee Berbera ka soo saareen sababaha askarigaas hubka looga qaaday iyo dareenada la xidhiidha dilka madaxweynaha ee looga shakiyay.

Haseyeeshee shebekadda Berberanews oo khadka telefoonka kula xidhiidhay askarigaas caawa, ayaa xaqiijiyay in laga qaaday hubkiisii maalintii madaxweynaha lagu soo dhawaynayay Berbera, islamarkaana ilaa hadda ka maqan yahay oo aan loo soo celin, waxay arrintaasi ku dhacdayna aanu garanayn, “Arrinkaasi wuu jiraa illaa imikana qorigaygii, baaskoolad iyo booshkiiba way iga maqanyihiin, aniguna dacwad baan qortay aan ku leeyahay halaygu soo caddeeyo dembiga aan galay, cid iiga jawaabtayna ma jirto, hubkaygiina wuu iga maqanyahay, CID-da ayaa tidhi waanu baadhaynaa, iyaguna  wax warbixina oo ay aniga iyo qollada kale ee i soo eedaysay toona ka qortya ma jirto.” ayuu yidhi Amiin Maxamed Cabdi oo ah askariga hubku ka maqanyahay.

Askarigu waxa uu ka sheekeeyay qaabkii looga qaaday hubka iyo  eedaha loo jeediyay, “Anigoo shaqadaydii ku jira ayaa gaadhi ciidana lay soo diray, ciidankiina waanu isku dhici gaadhnay, laakiin anigaa ka roonaaday oo dhiibay hubkaygii.
Taliyaha qaybtu wuxuu aniga oo la socda Maareeye-ku-xigeenka oo aan ku qoranahay noo sheegay inaan Madaxweynaha dilaayo, isagoo Taliyuhu yidhi waxa ku soo sheegay Maamulaha Kastamka Cashuuraha Berbera Cali Bul bul iyo nin kale oo kastamka ka tirsan oo uu yidhi waxay soo sheegeen inaad qori kamarad leh sidato, aniguna waan tusay qorigaygii candho-laabka ahaa oo waxaan ku idhi ‘hadduu kamard leeyahay iyo haddii kaleba waakan oo waan u dhiibay.” ayuu yidhi Aamiin Maxamed Cabdi oo khadka telefoonka ugu waramay Tifatiraha Berberanews Maxamed Xarrago.

Taliyaha Qaybta Booliska Saaxil Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahin oo isagana aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino, ayaa gebi ahaanba afka ka xidhayinuu wax tafaasiil ah ka bixiyo tallaabada askarigaas hubka looga qaaday, waxaannu ku gaabsaday, ” “Adeer arrintaasi ma wax lays weydiiyaa, war layska yidhi oo aan sal iyo raad toona lahayn inaad qoladiina saxaafaddu doon doontaan oo hawada marisaan ma sharcibaa? haddii uu jirona dee kaalay adigu [suxufiga] oo noo xaqiiji.” ayuu yidhi Taliyuhu.

Sidoo kale Taliyaha Laanta Baadhista dembiyada (CID) ee Gobolka Saaxil Ibraahin Dhegasayn oo aanu isna khadka telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka tallaabada askariga hubka lagaga qaaday “Arrinkaasi wuu jiraa, illaa hadana baadhitaankeedu socdo” ayuu ku gaabsaday Taliyaha CID-du.

Dadweynaha reer Berbera, ayaa tan iyo intii arrintani soo baxday shucuurtoodu aad kacday, iyagoo siyaabo kala duwan uga hadlay talaabada askariga hubkiisa looga qaaday.

Qaar ah dadweynaha, ayaa dareen cadho leh ka muujiyay falka askariga lagula kacay oo ay ku sifeeyeen mid lagu kala fogaynayo madaxweynaha iyo bulshada gobolka Saaxil oo laga been abuurtay askariga, waxaanay ku baaqayaan in tallaabo cad laga qaado masuulliyiinta ka danbaysaysay falkaas oo ay ku sheegeen mid been abuura.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadweynaha ayaa isla dhexmaraya inuu jiray khilaaf u dhexeeyey maareeye ku xigeenka iyo Maamulaha kastamka oo ay dhacday inay habeen gacanta isula tagaan gudaha Berbera, taasina ay sababtay in askarigiisa uu wanjalay Maamulaha kastamka ee xurguftu ka dhaxaysay. Sidaa awgeed lama garanayo inay arrintani xidhiidh la leedahay khilaaf dhexmaray labadaa masuul iyo inay tahay arrin meel kale xidhiidh la leh, balse waxay xaqiiqdu iman doontaa maalmaha soo socda marka lasoo gebagebeeyo baadhista ay wadaan Ciidanka baadhsita denbiyadu.

By. Araweelonews Mobile

Xigasho Berberanews

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
1
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *