H argeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu safar ugu baxo maalinta Sabtida 23, March 2013,  dalka Imaraadka Carabta.

Safarka Madaxweynaha iyo ujeedadiisa ayaan si rasmi ah loo sheecin, balse Sida ay shebekada Araweelonews.com, ka heshay warar u dhuun daloola saraakiisha dawlada Madaxweyne Siilaanyo ayaa safarkiisu la xidhiidhaa arrimo mashaariic ay dawlada Imaraadku hore ugu balanqaaday inay ka fuliso Somaliland.

 

Sidoo kale sida ay sheegayaan xoggo la xidhiidha safarka Madaxweyne Siilaanyo ee dalka Imaaraadka ayaan ka madhanayn qorshayaal siyaasadeed, iyadoo la filayo inay dawlada Imaaraadka ka wada hadlaan halka ay ku danbeeyeen wadahadalo u socday Somaliland iyo Xukuumaddii hore ee Somalia, kuwaas oo la filayay in sidii qorshuhu ahaa ay xukuumadda Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud halkii kasii wado, balse u muuqday tan markii ay xukuumadda cusub ee Somalia xilka la wareegtay  inay shiiqeen qorashayaal la doonayay in wadahadaladaa lagu soo dar dar geliyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa safar uu ku tegey Imaaraadka Carabta badhatamihii  2012, waxay kulan ku wada yeesheen halkaa Madaxweynihii hore ee dawlada Ku meelgaadhka ahayd ee Somalia Sheekh Shariif Axmed, kulankaa oo daba socday shirkii beesha Caalamka ee London Feb, 2012, oo lagu qorsheeyay in labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia u wadahadalaan si siman iyagoo lab dal ah, waxaana kulanka Imaraadka labada hogaamiye waqtigaa wadajir uga soo wada saareen Heshiiskii loogu magacday Dubai statement ee soo baxay 28 Jun 2012, kaas oo ay wada jir u wada saxeexeen labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia, isla markaana lagu shaaciyay qodobo kooban iyo in labada dhinac sii wadaan wadahadalada.

Sidaa awgeed Imaaraadka Carabta iyo Qadar ayaa ka mid ah wadamada loo xilsaaray inay sii wadaan wadahadalada labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland, balse ma cada in socdaalka Madaxweyne la xidhiidho inay sii socdaan wadahadaladii iyo in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ay ku kulamayaan dalka Imaaraadka Carabta iyo in dhainac walba garkiisa loola kulmayo ka hor inta aan fool ka fool laysigu keeniin labada Madaxweyne, balse waxa arrimahaa iyo ujeedada safarka Madaxweyne Siilaanyo la oganaaya saacadaha iyo maalmaha soo socda.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *