Berbera(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdi uu hogfaaminayo oo manta ka dhoofay Madaarka Berbera, iyagoo usii jiida dalka Imaaraadka Carabta ayaa

 

sheegay inay ku farxeen marti-qaadka uu ka helay dawladda dalka Imaaraadka carabta, wuxuuna xusay in ujeedada safarkiisu la xidhiidho sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hor inataanu ka dhoofin Madaarka warbixin kooban ka bixiyay safarkiisa, wuxuu yidhi, “Waxaan u ambo-baxaynaa dalka Imaaraadka carabta, halkaasi oo nalaga marti-qaaday. Waxaanan muddo gaaban ku maqnaan doonaa dalkaasi Insha Allaah. Martiqaadkan naloo fidiyay oo ah mid ku saabsan saaxiibtinimadda labada dal.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay ku farxeen marti-qaadka Imaaraadka carabta, isagoo yidhi,  “Waxaanu ka soo wada hadali doonaa waa danaha iyo wax wada qabsiga iyo wax is weydaarsiga labada dal. Marti-qaadkanna waa mid aanu aad iyo aad ugu faraxnay. Waxaana filaynaa inuu noqdo mid labada dalba ka faa’iidi doonaan wanaaga, saaxiibtinimadda iyo wada shaqaynta inaga dhaxeysa ee dhinacyada badan leh, ”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo, wuxuuna xusay inuu rajaynayo inuu socdaalkiisu noqdo mid guulaysta.

Madaxweyne Siilaanyo  oo la weydiiyay inay dawlada imaaraadka carabta ka wada hadlayaan qodobadii ay hore uga wada hadleen iyo inuu jiro qodobo cusub oo ay ka wada hadlayaan labada dhinac, wuxuu  isagoo su’aashaa ka jawaabaya yidhi,  “Wixii hore looga wada hadlay iyo wax cusub-ba waa laga wada hadli doonaa insha Allaahu Tacaalaa. Waxaanu socdaalkayagu qaadan doonaa laba illaa sadex cisho.” ayuu yidhi.

 

Hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland, wuxuu meesha ka saaray warar sheegaya in ay suurta gal tahay in ay dalka Imaraadka kula kulamaan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama Imaraadku yahay dalkii ay hore ugu wada kulmeen Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynii hore ee Somalia Sheekh Shariif, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,    “Balan naloo balan qaaday oo la yidhi cid baad la kulmaysaan ma jirto, wax meesha ku jirana ma aha. haddiise aanu cid la kulmayno wixii danta Somaliland ku jirto meel walba waanu ka sheegaynaa. Dantayadda waanu ka hadli karnaa. Laakiin wax naloo sheegay iyo wax naloo balan qaaday midna ma jirto,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, balse tibaaxo iyo xooggo dheeraad ah oo shebekada wararka ee Araweelonews heshay ayaa sheegaya in aanay safarka Madaxweynaha ka madhanayn wadahadalada Somaliland iyo Somalia oo ay hore badhtamihii sanadkii hore Dawlada Imaraadku ugu qabatay, kulankaas oo ay wadajir uga soo saareen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif heshiis loogu magacdaray Dubai Statement.

Dhinaca kale weftiga madaxweynaha waxa  xubno ka ah oo safarkan ku weheliya Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle, Wasiirka Beeraha Mudane Faarax Cilmi Geedoolle, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Afhayeenka Madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina waris Sh. Maxamed Jirde.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *