araweelonewsBerbera(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii u horraysay ka hadlay arrimaha la xidhiidha shirkaddii hakisay shiidaal qodista ee Genel Energy iyo

 

Duulimaadyadii Diyaaradda Ethiopian Airline ay joojisay ee Madaarka Hargeysa.

 

Madaxweyne wuxuu sidaa ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay xafladii furitaanka Kulliyadda tababarka saraakiisha ciidammada ee lagu qabtay magaaladda Dararweyne ee duleedka Hargeysa, wuxuuna si adag u difaacay heerka nabad-gelyadda dalka oo uu tilmaamay inay aanu ku iman wax hoos u dhac ah, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan jecelahay inaan arrin ka idhaahdo arrinta shidaalka iyo diyaarada Ethiopian Airlines, arrintan oo masuuliyiinta mucaaridku tilmaamo khaldan ka bixiyeen, bulshadana ku soo dhex tureen hadalo aan la hubsan, aflagaado aan loo miidaan dayin iyo mararka qaarkood oo ay ku baqayaan hadallo qaranimada ay wax ugu dhimayaan.”  Ayuu yidhi,

wuxuuna sheegay in aanay shirkadda Genel ka bixin dalka, isagoo yidhi, “Shirkadda Genel Energy may bixin ee waxay hakisay shaqadeedi. Ethipian Airline wax ceeb ah kamay sheegin madaarka Hargeysa, waxaanay ahayd arrin la abuuray oo  la buunbuuniyey.

 

Waa Ilaahay mahadii dalka Somaliland waa nabadgelyo waxaannu maraya meel fiican oo lagu faano, mana jiraan wax hoos-u-dhac ah oo ku soo kordhay nabadgelyada dalka., wuxuu dalkan leeyahay ciidammo heegan ah oo nabadgelyada dalka ilaaliya, waxaannu leeyahay bulshu u diyaar ah oo u darban ilaalinta dalkooda, masuuliyiin u daacad ah oo ay ku doorteen codkooda. Waxay kala og yihiin cida dhaqaalaynaysa dadka ee dhisaysa dalka ee ku hawlan horumarintiisa iyo kuwa cayda iyo afmiishaarnimada gidaarada la taagan ee u samaystay golayaasha sharci darrada ah” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu usoo jeediyay bulshada inay ilaashadaan nabadgelyada iyo qaranimadooda, isagoo yidhi, “Bulshada Somaliland waxaan leeyahay nabadgelyadiina ilaashada ciidanka la shaqeeya, caawiya, is-barbartaaga, isku duubnaada oo qaranimada u midooba.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo oo markaa kadib dhinaca Magaalada Xeebta ah ee Berbera u boqoolay, ayaa xadhiga ka jaray wadooyin iyo dhismayaal laga hirgeliyay halkaa, waxayna Madaxweynaha iyo wefdigiisu caawa u hoydeen Magaalada Berbera, iyadoo ay jiraan warar la xidhiidha safarka Madaxweynaha oo sheegaya in ka hor inta aanu u bixin dhinaca gobolka Togdheer uu xadhiga ka jaro Mashruuca ugu weyn ee Wershedda Sibidhka Berbera, taas oo hore marar badan oo la doonayay in la bilaabo carqalado iyo buuq muran abuuray ka dhasheen, balse hada la xaliyay.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *