Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somalialnd  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa furay xarun loogu talo galay inay noqoto Kuliyadda Tababarka Ciidamadda Qaranka Somaliland, taas oo dhismeheeda

 

laga hirgeliyay Magaalada caanka ah ee Dararweyne oo ku taal galbeedka Hargeysa, isla markaana hore u ahaan jirtay Saldhig Ciidan.

Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyay madasha furitaanka xaruntaa, waxa uu yidhi, “ Ciidammadu waxay ka mid yihiin astaanta qaranimada waxayna dalka u leeyihiin muhiimad weyn oo aan la’aantood dawladnimo jiri karin, annagoo ka duulayna mudnaanta ciidammadu qaranka u leeyihiin waxay xukuumaddan kor u qaaday mushaharkii sannadkii noogu horreeyey oo aanu kordhinay 100%, iyadoo ay noo taalay qaybo aad u badan dhaqaalaha dalkuna uu hooseeyo, dayn badana nalagu lahaa, qasnadaha dawladduna ay madhnaayeen.”

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya sida ay xuukuumaddiisu u tayaysay Ciidamada qaranka waxa uu yidhi, “Waxa aad ogtihiin qalabka iyo saanada aannu ciidanka ku soo kordhinay ee gaadhaaya 121 gaadhi, waxaanannu u hawlgalnay sugida tirada ciidanka dhabta ah, iyadoo aanu ka saarnay in ka badan 3,000 caagle ah, taasoo aannu ku beddelnay halkoodii ciidammo cusub oo la hawlgaliyey, waxaanay ahayd hawl culus oo aanu ku amaanayno saraakiisha iyo masuuliyiinta ka shaqeeyey.”

 

Sidoo kale waxa uu ka hadlay derejooyinka dhowaan la siiyay ciidanka oo ka mid ah waxyaabaha uu hore u balanqaaday markii uu ku jiray Ololaha doorashada sadex sanadood ka hor, isagoo yidhi, “Darajada ciidammadu waxay ka mid ahayd himiladii qaranka, waxaanay ahayd higsigii xisbiyagu ballanqaaday xilligii ololaha doorashada markaannu ku jirnay, waxaannu ku faraxsanahay in riyadaasi dhabawday oo maanta aannu kumanaan ciidammada qaranka ahi ku labisan yihiin derejadii.

 

Waxaan jecelahay inaan idin dareensiiyo dedaalka la geliyey derejada ciidammada, diyaarinteeduna may ahayn wax dhib yar, dhaqaalaha ku baxay derejada alifle ilaa general arrin fudud may ahayn ee waxa idiin hurnay annagoo ogsoon kaalinta aad qaranka kaga jirtaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

 

Wuxuuna dhinaca kale sheegay in Maanta ciidanka loo diyaariyey kulliyadii saraakiisha ciidanka oo loo qorsheeyey inay dalacaadii ugu horraysay ee tababarka saraakiishu uu maanta ka bilaabmo kuliyadan si loo heli  ciidan aqoon leh oo garan kara waajibaadka iyo masuuliyadda saaran.

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdi la socda ayaa markaa kadib safar usii watay  dhinaca Magaalada Berbera oo uu xadhiga ka jaray wadooyin iyo dhismayaal laga hirgeliyay magaalada xeebta ah ee Berbera, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo u dhaafo dhinaca Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer iyo deegaanka Oodweyne, balse lama ogga ujeedada safarka Madaxweynaha ee ku jihaysan deegaanadaa iyo mudada uu qaadanayo, waxaase jira warar sheegaya in uu deegaanka u tegeyo si uu ugala hadlo carqalado ka dhashay shirkadda Genel ee baadhista shidaalka ka waday deegamadaa, taas oo mudadii ay hawsha ka waday halkaa mushkilado dhinaca dadka deegaanka ka yimi la kulantay.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *