Addis Ababa( Araweelo News Network)Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, ayaa markii u horaysay si rasmi ah u shaacisay mawqifkeeda la xidhiidha dhabbaha madaarka caalamiga ah ee Cigaal International

 

ee magaalada Hargeysa.

 

Qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa toddobaadkan baahiyey war ay ka so xigteen barta Internet-ka ee Ethiopianreview.com oo lagu sheegay in diyaarada Itoobiya u joojisay qabyo ka muuqata dhabbaha diyaaradaha ee madaarka Hargeysa oo aan ku habboonayn in diyaaradoodu fadhiisato.

Hasayeeshee. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines, ayaa lagu sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in diyaaradoodu u joojisay duulimaadka Somaliland sababo la xidhiidha dhabbaha  madaarka Hargeysa, iyadoo Ethiopian Airlines caddaysay in dhabbaha madaarka Cigaal ku habboon yahay isticmaalka diyaaradooda B737.

“Dhabbaha dayaaraduhu ku ordaan iyo adeegyada kale ee madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa waxa kormeer ku hubiyay khubarada dhinaca farsadama noo qaabilsan, waxaanay xaqiijiyeen in ay dhammaanba sugan yihiin oo ay ku habboon yihiin waxyaabihii looga baahnaa in ay ku soo degto dayaaradda Ethiopian Airline ee Boeing 737, taasoo sababtay in diyaarada Itoobiya ee B737 ku timi Hargeysa.’ Ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay madaxa xafiiska dadweynaha ee Shirkadda Ethiopian Airlines Mr.  Biniyom Demssie oo habeenkii Jimcaha loo soo diray warbaahinta Somaliland, gaar ahaan shabakada wararka Ingiriisiga ah ee Somaliland Sun.

Ethiopian Airlines ilaa hadda si rasmi ah ugama hadal sababaha ay u joojisay duulimaadkeedii Somaliland, balse waxa ay muujisay in aanay arrintaasi ahayn mid la xidhiidha dhabbadaha madaarka Hargeysa oo markii u horraysay diyaaradooda B737-800 soo fadhiisatay 1 September 2013, iyadoo toddobaad kadibna gabi ahaanba joojisay duulimaadkeedii Somaliland.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *