Boosaaso(Araweelo News network)Xanuunka Duumadda ayaa lagu arkay magaalada Boosaaso ee gobolada Bari ee Somalia, waxaana warar hordhac ah oo ka imanaya deegaanka Puntland

sheegayaan in xanuunkaa lagu arkay deegaanno katirsan gobolkaa.
Xarumaha caafimaadka Boosaaso ayaa la dhigay ku dhowaad dad gaadhaya dhawr derzin, waxaana jira tirooyin u dhintay, kuwaas oo  dhakhaatiirta caafimaadka ee k a hawlgala deegaamadaa warbaahinta u xaqiijiyeen  in dad kabadan 70 qof la keenay cusbitaalka , iyagoo la ildaran cudurka Duumada.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in bukaanada la keenay Cusbitaalka Boosaaso qaarkood ay  xaaladooda caafimaad aad uliidato, balse ay la tacaalayaan sidii loo badbaadin lahaa dadkaa bukaanka ah.

Sidoo kale saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in cudurka duumada ay sabab u yihiin roobabkii mahiigaanka ahaa ee watay duufaanka, kuwaas oo dhawaan ka da’ay  deegaanada, waxayna dhakhaatiirtu xuseen in larumeysanyahay in kaneecada nooca dhiddiga ah ee loo yaqaan Anopheles ay ka dhalatay meelaha Biya Fadhiisinka ah iyo bullaacadaha, taas oo sababta in qofka marka ay qaniinto xukad iyo xanuun ay soo ritaan.

Dhinaca kale deegaamada gobolka Sanaag ee magaalada ceergaabo, waxa laba todobaad ka hor laga dareemay xanuun loo malaynayo inuu ka dhashay qabawga duufaankii iyo roobabkii mudooyinkaa ka da’ay meelo badan oo deegaanka ah, waxaana ilaa hada la ogayhay hal qof oo la rumaysanyhay inuu u dhintay qabawgii duufaanka iyo Roobabka, balse lama ogga in xanuunka ka dilaacay magaalada Boosaaso iyo deegaamo ka tirsan Puntland uu xidhiidh la lahaa dhimashada qofkaa iyo in kale.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *