Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka. kadib markii ay booqasho afar todobaad qaadatay kusoo mareen wadamada Ethopia iyo Britain. Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa kasoo degey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee
Cigaal International Airport labadii duhurnimo ee maanta.
Soo dhoweynta wefdiga Madaxweynaha ayaa subaxnimadii hore diyaargarawgeeda laga dareemayay Magaalada hargeysa, waxaana madaarka tegey subaxnimadii hore Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Seylici, shir gudoonada labada gole oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Xidbiga mucaaridka ah ee UCID, masuuliyiin iyo dad weyne tiro badan, kuwaas oo ku dhowaad lix saacadood sugayay wefdiga madaxweynaha oo dib u dhacay waqti dheer, isla markaana ku jactaday madaarka.
“Subaxnimadii hore sideedii ayaa nala geeyay wasaaradda warfaafinta, waxaana nalagu guray Bas, anagoo aad moodo inaanu nahay shaqaale wershed u shaqo tegaya, waxa naloo sheegay in sideeda subaxnimo uu imanayo wefdigu. Laakiin hada saacadu waxay dhaaftay kowdii dhurnimo welina ma hayno wefdigii madaxweynaha oo waanuku jactadnay, waxaanse ka naxay oo aanu wax la qabnaa oo halkan ka muuqda madaxweyne xigeenkii, gudoomiyihii guurtida, gudoomiyihii UCID, iyo masuuliyiin kale oo iyaguna xiligaa yimi.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah suxufiyiinta madaarka tegey saaka.
Safarkii kan ka horeeyay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo bishii hore booqashadiisii u horaysay ee uu ku tegey Djibouti ayaa sidan oo kale soo dhowayntiisa dadku ku jactadeen madaarka, sidoo kale dadweynaha ayaa maalintaa aad uga cadhooday markii ay ciidamada amaanku xidheen wadooyinka iyadoo aanu wefdiga madaxweynuhu soo dhowayn, taas oo abuurtay cidhiidhi iyo saxmad, isla markaana dhinaca biritikoolka iyo nidaamka ayaa buuq iyo habacsanaan ka muuqatay madaarka dhexdiisa, balse abaabulka soo dhowaynta maanta wadooyinka Magaalada hargeysa ayaa iska furnaa oo aan loo xidhin sidii maalintii hore, inkasta oo ay ciidamada amaanka iyo kuwa wadooyinku subaxnimadii hore yimaadeen, isla markaana nidaamka soo dhowaynta iyo biritikoolka ayaa ahaa mid habaysan marka loo eego maalintii hore ee safarka madaxweynaha, iyadoo qorshaha suxufiyiinta ka socday warbaahinta ee ka qayb gelayay soo dhowaynta wefdiga madaxweynaha uu maamulayay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Faysal Cali Sheekh ayaa ahaa mid qorshaysan oo loo baahnaa. Laakiin waxa aad u kala fogaaday waqtiu yimaadeen iyo xiligii ay halkaa tageen masuuliyiinta iyo dadweynaha doonayay inay soo dhoweeyaan madaxweynaha iyo wefdigiisa.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa qolka nasashada kula hadlay saxaafada, isagoo ka waramay socdaalkiisa, halkaas oo ay weriyayaashu su,aalo ku weydiiyeen. Hadalka madaxweynaha iyo jawaabaha uu ka bixiyay su’aalihii la weydiiyay kala soco shebekada Araweelonews
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380