Hargeysa(ANN) Koox isugu jirta xildhibaano, xubno siyaasiyiin aan ku cusbayn warbaahinta oo uu hogaaminayay Muj Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhegoweyne) oo ka mid ahaa saraakiishii Milateri ee ururkii SNM, mudooyinkan danbena ahaa  kooxda la baxday  Urur siyaasadeedka

UDHIS ee aan sharciyaysnayn  ayaa dhaliilay, isla markaana  ka digay  Guddi  13 xubnood ah oo aan  si rasmi ah  loo shaacin oo la hadal hayay ka hor intii aanu Madaxweyne Siilaanyo maanta soo saarin tirada iyo magacyada rasmiga ah ee guddida, kuwaas  oo  la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo u saaray ka soo tallo bixinta furashada Ururada Siyaasada.
Ibraahim Dhego weyne wuxuu dhaliilay in Guddidaasi lagu darro xubno ka socda saddexda xisbi qaran waxaanu arrintaasi ku tilaamay mid khalad ah. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) oo  maanta ka qeyb galay kulan ay isaga iyo kooxdaa kale ugu baaqayeen madaxweynaha in la furo ururada oo lagu qabtay huteelka maka Al-mukarama, iyagoo   ku dooday  inay sharci tahay in furista ururada siyaasadu si ay uga qeyb galaan doorashada Goleyaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada sannadkan.
”Saddexdii urur ee hore u jiray iyo ururadda cusub ee UDHIS ka midyahay ayaa shirkan qabtay, waxaana ujeedadiisu tahay waa in ururaddii siyaasadda la furaa, sharciga dalka cidna looguma aha marti. ama Axmed Siilaanyo ha ahaado ama cid kalle ha noqdee, waxaa la doonayaa sharcigii dalkani lahaa. dalkan wax sharci ku fadhiya oo aan ahayn madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ma jiro oo mudaddii ayaa ka wadda dhamaatay Golayaasha. nin kalli ah oo sharci ahna kuma soconayo dalkani, waa in la qabtaa doorashaddii deegaanka, guurtida iyo wakiillada,” ayuu yidhi Ibraahim Dhego Weyne.
Dhinaca weedhaha kooxdan ka dib ayuu madaxweyne Siilaanyo soo saaray guddi uu hawshaa u xilsaaray.  Iyadoo  dhawaaqyada lagu dalbanayo in dib loo furo urarada siyaasada oo ah mawduuc sharcyadiisa muran ka taagan yahay, isla markaana aan laysku waafaqsanayn doodiisa, uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray guddi labaatan xubnood ah oo ka kooban axsaabta qaranka, aqoonayahanka, jaamacadaha, ururada bulshada, ganacsatada iyo culimada, kuwaas oo mudo kooban loo qabtay inay daraasad iyo qiimayn kusoo sameeyaan mawqifka bulshada iyo qaabka sharci ee dastuurka Somaliland ka qabo  ururada siyaasada in la furo. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay maanta qasriga madaxtooyada oo lagu shaxeeyay magacyada xubnaha madaxweynuhu u saaray arrintaa iyo hawshooda.
Qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka madaxtooyada C/llaahi Daahir Cukuse, ayaa u qornaa sidan;-      “Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Magacaabay Guddi heer qaran ah oo ka kooban 20 Xubnood oo kasoo talo bixisa ururada siyaasadda.

Markuu Arkay:                          Qodobka 9-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                          Qodobka 22-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                          Qodobka 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:                    Ballan qaadkii Xisbiga Kulmiye xilligii ololaha doorashada Madaxtooyada ee furashsada ururada siyaasadeed si sharciga waafaqsan,

Markuu Arkay:                          Ahimyadda ay u leedahay talowadaagu dhismaha Qaranka iyo aayaha dawladnimo,

Markuu La Tashaday:                Golayaasha Qaranka, Xisbiyada Qaranka, aqoonayahano, madaxda ururada bulsahada iyo dhinacyada siyaasadda ee ay arrintani khusayso,

Markuu Arkay:                          In dooda ka taagan ururada siyaadeed loo helo talo laga wada qayb galo oo lagu wada qanco,

Wuxuu Magacaabay

Guddi heer qaran ah oo kasoo talo bixisa ururada siyaasadda, waxaanay ka kooban yahiin 20 xubnood oo ka kala imanaya:

1.        Golaha Guurtida JSL.                                                   
2.      Golaha Wakiilada JSL.                                                  
3.      Saddexda Xisbi ee Kulmiye, UDUB iyo UCID.                 
4.      Aqoonyahaanada.        
5.      Jaamacadaha dalka.                                                    
6.      Guddida Xuquuqul Insaanka.                                         
7.      Ururada Bulshada.                                                      
8.      Culimaa’udiinka.                                                                      
9.      Madax dhaqameedyada.                                                          
10.    Ganacsatada.                                                              
11.      Beelaha laga tirada badan-yahay.                                 
12.    Iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xisbiyada iyo Doorashooyinka.

Waxaanay kala yihiin:

1.        Xildhibaan Sh. Maxamuud Xirsi Faarax:    Golaha Guurtida JSL
2.      Xildhibaan Saleebaan Cali Koore:    Golaha Wakiilada JSL
3.      Keyse Xasan Cige:    Xisbiga Kulmiye
4.      Canab Cumar Ileeye:    Xisbiga Kulmiye
5.      Cabdilaahi Siciid Dheere:    Xisbiga UCID
6.      Xasan Xuseen Cod-Yare:    Xisbiga UCID
7.      Maxamuud Siciid Maxamed:    Xisbiga UDUB
8.      Yuusuf Ciise Talaabo:    Xisbiga UDUB
9.      Barkhad Jaamac Xirsi:    Beelaha laga tirada badanyahay
10.    Prof. Xuseen Xasan Guleed:    Aqoonyahan
11.      Dr. Maxamed Cismaan Fadal:    Aqoonyahan
12.    Maxamed Cabdilaahi Ducaale:    Jaamacadaha
13.    Aamina Cabdilaahi Axmed:    Guddiga Xuquuqul Insaanka
14.    Khadar Nuur Aw Cabdi:    Ururada Bulshada (SONYO)
15.    Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi:    Ururada Bulshada (NAGAAD)
16.    Jaamac Maxamuud Cigaal:    Ganacsatada
17.    Sheekh Almis Sheekh Yaxye:    Culimada
18.    Suldaan Axmed Daahir:    Madax dhaqameed
19.    Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan:    La Taliyaha Madaxweynaha JSL
20. Maxamed Muuse Abees:    La Taliyaha Madaxweynaha JSL

Guddidan waxa loo xil saaray:

1.        Cilmi baadhis (Ra’yi uruurin iyo doodo) la xidhiidha rabitaanka Bulshada ee ururada siyaasadda.
2.       Ka soo talo bixinta baahida sharci ee ku gadaaman ururada siyaasadda iyo adkaynta hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay Jamhuuriyadda Somaliland.
3.       Daraasad ku saabasan duruufaha siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ee saamaynta ku yeelan kara uruurada siyaasadda.
4.      Guddidan waxa ay waajibkan ku gudanaysa muddo dhan 21 maalmood guduhood laga bilaabo Maalinta la baahiyo.
5.      Guddigu waxay xilkeeda u gudanaysa si waafaqsan Dastuurka Qaranka iyo xeerarka ka farcama.
6.      Guddigu waxay iska dooranayaan Gudoomiye iyo Gudoomiye Ku-xigeen. Gudoomiyuhu wuxuu yeelanayaa cod hal dheeriya haddii ay tirada isleekaato.

Ilaha ay guddidu la kaashanayso xil gudashadeeda:

1.       Komishanka Qaranka.
2.    Akaadimiyadda Nabada iyo Horumarka.
3.    Jaamacadaha Dalka.
4.    Sharciyaqaano.
5.    Waxgaradka Bulshada.
6.    Iyo cidii kale ee loogamaarmi waayo.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *