Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horaysay kulan la yeeshay gudoomiyayaasha gobolada dalka. kulanka Madaxweynaha iyo Badhasaabada oo maanta ka dhacay qasriga madaxtooyada ayaa ahaa mid aanay

saxaafadu goob joog ka ahayn, isla markaana aanay waxba kala socon waxyaabaha lagaga hadlay.
Hase yeeshee kulankaa ka dib qoraal saxaafada loogu talo galay ayaa lagu sheegay inay ujeeddada kulanku ahayd dar-dar gelinta hawlaha qaranka iyo is waraysi. Qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada C/llaahi Daahir Cukuse, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka oo Dhan. kulan oo ay ujeedadiisu tahay is xog-warsi iyo dar-dar gelinta Hawsha Qaran ee ay u xilsaaran yihiin.
Waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyada JSL, Mudane, Cabdicasiis Muxumed Samaale.
Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalku waxa ay ka warbixiyeen xaaladaha nabad-gelyada, Maamulka, iyo Kuwa ijtimaaciga ah ee Gobolada ay madaxda ka yihiin.
Warbixintaa dheer ka dib waxa uu madaxweynuhu badhasaabada dalka iyo wasaaradda Daakhligaba ku amaanay Doorka ay ku leeyihiin hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xil-gudashadoodaba, Madaxweynuhu waxa uu madaxdaas ku adkeeyey inay sii laban-laabaan adkaynta nabad-gelyada iyo feejignaanta ay kaga hortegayaan cid kasta oo wax u dhimi karta qaranka JSL.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa.
dhinana kale kulankaa, ayaa daba socday kulan Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale ku casuumay badhasaabada dalka, kaas oo ujeedadiisu ahayd kor u qaadista dhaqaalaha iyo dakhli ururinta gobolada ay masuulka ka yihiin.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *