Muqdisho(ANN)Hogaamiyihii madaxa adkaa ee Ururka Xisbul Islaam Sh. Xasan Daahir Aways, ayaa isu dhiibay dawladda taagta daran ee Somalia. kadib markii uu ku go’doonsanaa maalmihii u danbeeyay deegaanka Af-gooye ee laga saaray kooxda Al-shabaab ee isbahaysugu ka

 

dhexeeyay.
Wararka lagasoo xigtay saraakiil ka tirsan dawladda taagta daran , ayaa sheegaya in sh. Xasan iyo malayshiyadiisa Ururka Xisbul Islaam maanta si rasmi ah isugu soo dhiibeen dawladda Sh. Shariif, isla markaana loo soo gelbiyay dhinaca madaxtooyada ee Villa Somalia, halkaas oo ay ku wada hadlayaan madaxda dawladda Somalia.
Sh. Xasan Daahir Aways oo ay madaxweynaha Somalia sanado ka hor isku ahaayeen hogaamiyayaasha maxkamaddihii Islaamiga ee qabsaday Somalia 2006, wuxuu sanadii u danbeeyay ciidankiisu gaar ka ahaa Al-shabaab oo ay ku kala mawquf duwanaayeen sida loo waajahayo dagaalka lagula jira ciidamada shisheeye, wuxuuna sameeyay Ururka Xisbul Islaam, isagoo ka barbar dagaalamayay Al-shabaab, balse dhawr bilood ka hor horaantii sanadkan, markii ay soo baxeen warar sheegayay inay Al-shabaab dileen nin dhalasho maraykan ah haystay oo magaciisu ahaa Abu Mansuur Al-amerki (Ommar Hammama),  ka dibna khilaaf ka jiray gudaha kooxda al-shabaab oo ku biitay Al-qaida debeda usoo baxay,  wuxuuna waqtigaa  Sh. Xasan Daahir  si cad u canbaareeyay falalka cabsi gelinta ah ee Al-shabaab ka waday deeganaada ay maamusho, waxaana hadalkiisa loo fasiray mid debecsanaan ku keenay mawqifkiisa siyaasadeed.
Dhinaca kale maalmihii u danbeeyay  oo deegaamo ay mudo dheer ka talinayeen Al-shabaab ay qabsadeen ciidamada Humanta, waxa soo baxayay warar sheegaya  inay saraakiil baddan oo ka tirsan Al-shabaab iyo ururweynaha Al-qaida dhinaca buuraha silsilada goliska ee k u teedsan xeebta badada cas usoo talaabeen,  kuwaas oo qaarkood hore ugu soo firxadeen, kuwo kalena doonayaan inay Doonyo kaga soo baxsadaan Kismaanyo, iyadoo ay hada ciidamada huwanta ahi qorshaynayaan sidii ay fadhiisinka ugu danbeeyay ee dekeda mihiimka ah ee Kismaanyo doonayaan inay ka qabsadaan kooxdaa. Kadib markii ay kala wareegeen deegaamada ku hareeraysan ee jubooyinka iyo duleedka Muqdisho ee af-gooye.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *