Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Saaka Kulan deg deg ah la qaatay Talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka
iyo Taliyaha Booliska, Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhiga. Kadib markii dablay aan la aqoonsan tiradooda iyo haybtooda xalay ku dileen deegaanka Galbeedka Gebilay ee Saameel sadex qof oo laba ka mid ahi ahaayeen Wiil iyo Aabihii.
Madaxweynaha ayaa Masuuliyiinta uu maanta la kulmay si adag Amar ugu siiyay inay Soo qabqabtaan dadkii geystay Dilkii xalay ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Gabiley iyo Boorama, wuxuuna si adag u faray in aanay ka hadhin cidii gaystay Falkaa.
Madaxweyne Siilaanyo oo kulankaa kadib kasoo saaray qasriga Madaxtooyada qoraal saxaafaddeed, ka hadlaya ujeedada Taliyayaasha ciidamada Milateriga iyo Booliska iyo sidoo kale masuuliyiinta Wasaaraddaha gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha Somaliland. qoraalka soo baxay Qasriga Madaxtooyadda ayaa u qornaa sidan:-
“Xalay, gelinkii danbe meesha la yidhaahdo Saameel oo u dhaxaysa degmooyinka Gabiley iyo Baki waxa ka dhacay shil foolxun waxaana lagu dilay 3 nin oo aan waxba galabsan.
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu saaka isugu yeedhay talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhiga waxaanu si Adag u Amray in ay raacdo galaan oo ay soo qabtaan dhagar qabayaashi dilkaas geystay meel kasta oo ay joogaana ay kaga daba tagaan.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaa ku adkeeyey in aanay ka soo hooyanin ilaa ay dhagar qabayaashaa soo qabtaan oo ay sharciga horkenaan.
Ugu danbay waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaas ay gacanta ka xaqa darani dishay. Waxaanu leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo iyagana naxariistii Janno ha ka waraabiyo.”
Dhinaca Kale Dablay hubaysan oo aan Haybtooda la Aqoonsan ayaa Xalay Toogasho ku Dilay Seddex nin oo ku sugnaa Meel Maqaaxi ah oo ku Taala Deegaanka Seemaal oo ka tirsan deegaanadii shaqaaqadu ka taagnayd ee Ceelbardaale, halkaas oo ay ku nafwaayeen Alleh ha unaxariistee Seddex nin oo laba ka mid ahi isdhaleen, kuwaas oo kala ahaa Marxuum Dayib Maal Axmed Iyo wiil uu dhalay oo magaciisu ahaa Cumar Dayib Maal Axmed, halka ninka sedexaadna magaciisa lagu sheegay Marxuum Ismaaciil Maxamuud Caateeye oo lagu naanaysi jiray (Af-madhan diid) oo ka mid ahaa dadkii madasha fadhiyay. Sida ay wararkaasi sheegayaan maydka dadkaa ayaa lagu aasay tuuladii lagu dilay ee Seemaal, iyadoo ay masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland maanta u bexeen deegaankaa sidoo kale Odayaal, Xildhibaano iyo waxgarad kale ayaa u baxay deegaankaa.
Illaa hadda ma cadda sababta dilkani ku dhacay, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdadaa foosha xun ee naxdinta leh ay gaysteen Dablay Hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan warar kale ayaa sheegaya inuu jiro dhaawac dhawr qof oo kale soo gaadhay. kadib markii Tacshiirada rasaas ahi haleeleen.
Wararka kale ee la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya inay xukuumadda Somaliland u dirtay deegaanka falkaasi ka dhacay Guutooyin ka tirsan Ciidanka Milateriga, kuwaas oo amar lagu siiyay inay gacanta kusoo dhigaan cidii fulisay falkaa foosha xun.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com