Boliiska BostonBoston(Araweelo News Network) Ciidamada Booliska Maraykanka ayaa hawlgal balaadhan oo qaatay dhawr todobaatan saacadood, isla markaana ahaa kii uga baaxada weynaaa

taariikhda Boliiska Maraykanka ayaa lagu guulaystay in la qabto Dzhokhar Tsarnaev oo ah Ninkii labaad ee loo haystay weerarkii qaraxa ee ka dhacay Orodadii tartanka Marathonka ee Boston Isniintii lasoo dhaafay.

Boliiska ayaa ka helay Dzhokhar Tsarnaev , Watertown oo ah duleedka Boston isagoo ku dhuumanaya Doon taala guri ku yaal , kadib markii ninkii guriga lahaa uu arkay dhiig kadibna uu Booliska u sheegay. uu furay doontii uu ku dhexjiray wiilka.

Dzhokhar Tsarnaev oo ah 19 jir u dhashay asal ahaan Chechen, waxay Booliska is weydaarsadeen rasaas ka hor intii aan la qaban.

Maalin ka hor ayaa  Tamerlan Tsarnaev oo dhintay kadib rasaas ay is weydaarsadeen Booliska dhaawac kasoo gaadhay la qabtay, isagoo ahaa ninka labaad ee ay walaalaha yihiin  Dzhokhar Tsarnaev, oo labaduba ku eedaysnaa qaraxa Boston ee khasaaraha weyn dhaliyay.

Sida sida ay sheegayaan warbixino lasoo ururiyay oo ku saabsan labadaa Nin ayaa sheegaya inay dalka Maraykanka galeen  intii u dhaxaysay 2003 -2002, iyagoo ka yimi Chechnya.

Xoggaha ayaa sheegaya in labada Wiil ay waxbarsho ka heleen dalka Maraykanka oo ay wax ka dhiganayeen Jaamacad ku taal Boston Mr.Tamerlan Tsarnaev oo la rumaysanyahay inuu yahay Ninka dhintay ayaa la sheegay u sheegay Boston University magazine 2010 inuu doonayo inuu noqdo Inengineer, isla markaana uu rajaynayo inuu qaato dhalashada Maraykanka oo ka kid noqdo maalin maalmaha ka mid ah  tartanka Feedhka ( U.S. Olympic boxing), isagoo  ka qaybgalay 2004 barnaamijka  feedhka lagu magcaabo Golden Gloves, wuxuuna xiliggaa sheegay in qoyskiisu dagaaladii  Chechnia 1990 u guureen dhinaca dalka  Kyrgyzstan.

Anzor Tsarnaev oo ah aabaha dhalay Tamerlan Tsarnaev ayaa warbaahinta u sheegay in uu Telefishnka ka arkay wiilkiisa oo dhintay, wuxuuna intaa ku daray in aanu ka war hayan xidhiidh uu la lahaa ururada Argagixisada aduunka iyo urur diimeed midna, balse inta uu ka ogyahay uu wiilkiisu waxbarasho u joogay halkaa.

Dzhokhar Tsarnaev oo dhaawac ah ayaa hada lagu dawaynayaa Cusbitaal, waxaana durba bilaabmay inay Boolisku su’aalo weydiiyaan.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *