Muqdisho (ANN) Mudanayaal  ka tirsan Baarlamanka Dowladda KMG Soomaliya ayaa dhaawacmay,  kadib  markii maanta madaafiic culus lagu garaacay Xarunta baarlamanka oo xiligaasi ay shirar muhiim ah ka socdeen. Sidoo kale waxay madaafiicdaasu sababeen inay ku dhaawacmaan suxufiyiin goobta ku sugnaa,

 

kuwaas oo joogay waqtigaa barxada hore ee dhismaha Baarlamaanka.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada muqdisho Laba Xildhibaan ayaa ku dhaawacmay  madaafiicda, waxaana  mid ka mida Xildhibaanada magaciisa lagu sheegay  Sheekh Cabdi, halka aan magaciisa la xaqiijin xildhibaanka kale
Waxa  kale oo  dhaawacyo soo gaadheen Weriyayaal xarunta Baarlamanka u tegay sidii ay war ugasoo tebin  lahaayeen, iyadoo  ay halkaa  ka socdeen kulamo xaasaasi ah, maadaama uu jiro khilaaf wey khilaaf si weyn u hadheeyay madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha dawlada Somalia. laakiin weriyayaasha ayaa la sheegayaa inuu soo gaadhay dhaawacyo fudud.

Kooxda Xarakada Al -Shabaab ayaa Caawa sheegatay masuuliyadda duqayntii  cuslayd iyo madaafiicdii  maanta lagu garaacay  baarlamanka, sida ay  Idaacadda Al- Shabaab ee fadhigeedu yahay Muqdisho baahisay, taas oo sheegtay  in saraakiisha Shabaab ay weerarkaa  gaysteen guulana ay ka gaadheen sida lagu sheegay warkaa.
Ciidamada AMISOM ayaa jawaab ka bixiyay Madaafiicda  ay kooxda Al-shabaab  ku weerareen guriga Baarlamanka oo ay ku shirayeen xildhibaanada DKMG, waxayna duqaynta jawaabta ciidamada AMISOM dhalisay in khasaare badani soo gaadho dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. Waxayna wararku sheegayaan in 20  qof oo Rayid ahi ku dhinteen duqayntaa maanta inta la ogyahay, iyadoo  ay  dhinteen tiro lagu qiyaasay  45 qof ay ku  dhaawacmeen. Kadib markii  ay ciidanka AMISOM Madaafiic kusoo garaaceen suuqa Bakaaraha iyo Wadada 30-ka ee magaalada Muqdisho.
Dad goob jog ahaa waqtigaa ayaa u sheegay shebekada wararka ee araweelonews inay madaafiicda AMISOM ku garaaceen halkaa xili ay goobahaasi saxmad ahaayeen, taas oo keentay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay dadka shicabka ah. 

Dhinaca kale Baarlamanka Dowladda Federaalka KMG Soomaliya ayaa maanta go’aamiyay mudada  ay Codka kalsoonida u qaadayaan Xukuumadda uu hogaamiyo Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake. kulan balaadhan oo ay kasoo xaadireen in ka badan sadex boqol oo xildhibaan ayay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo ay  ku go’aamiyeen in maalinimada sabtida ah codka kalsoonida loo qaado xukuumadda.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helay kulnkaa markii laysugu yimi hoolka Baarlamanka oo inta badan joogeen mudanayaasha  taageersan Madaxweynaha ayaa la waayay shir gudoonkii, iyadoo aanay  waqtigaa joogin  gudoomiyaha koowaad  ee Baarlamaanka iyo  ku xigeenkiisu, balse in yar ka dib ayay mudanayaashu  shir gudoon u doorteen  Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah xubnaha Baarlamanka.
Hase yeeshee geba gebadii kulanka  oo ay xildhibaanadu cod aqlabiyad ah isku raaceen in xukuumadu kalsooni soo weydiisato Baarlamanka ayuu madasha soo gaadhay C/weli Muudeey gudoomiye K/xigeenka koowaad, kaas oo ku dhawaaqay in Mooshinku sidaa ku ansaxay.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inuu  maanta  magaalada muqdisho soo gaadhay shariif Xasan Sheekh  Aadan Gudoomiyaha Baarlamanka oo in Mudda ah ku maqnaa dalka dibadiisa, waxaana suurta gal ah inuu qayb ka noqdo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Shariif iyo raysalwasaaraha, kaas oo cirka ku shareeran, iyadoo dadka ku dhow dhow Shariif Xasan Sheekh Aadan ishaarayaan  inuu dhinaca raysalwasaaraha la  safan doono. 
Si kastaba ha ahaatee muranka iyo khilaafka dawlada taagta daran ayaa maraya halkii ugu xumayd, iyadoo ay shacbiga magaalada muqdisho deris la noqdeen madaafiicda kooxaha iyo quwadaha shisheeye ee ku loolamaya halkaa oo galaafta kumanaan qof noloshooda. Haweenayda Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay,  isla markaana ah ku xigeenka Komishanka Xuquuqal isaanka ee Qaramada Midoobay oo  lagu magcaabo, Mme Kyung-wha kang oo booqasho ku tagtay Somalia  maalmihii lasoo dhaafay ayaa si weyn u canbaaraysay madaafiicda dadka shicibka ah ay ku garaacaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ku meel gaadhka ah, taas oo sheegtay inay warbixin rasmi ah kasoo saaray marka ay ku laabato Geneva. 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *