Boosaaso(ANN) Wararka ka imanaya dhinaca magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaya  in gelinkii danbe ee maanta dagaal ku dhexmaray duleedka Boosaaso ee Buuraleyda deegaanka Gal-gala malayshiyada Sheekh Maxamed Siciid Attam iyo ciidamada maamulka Puntland oo

 

mudooyinkii u danbeeyay fadhiisin ciidan ka dhigtay halkaa, wixii ka danbeeyay dagaaladii labada dhinac hore ugu dhexmaray deegaanka Gal-gala.
Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee ka imanaya deegaanku, waxa dagaalku ka danbeeyay kadib markii malayshiyada wadaadka Sh. Attam weerar ku qaaday fadhiisin ciidamada maamulka Puntland halkaa ku lahaayeen . ma jiraan warar madaxbanaan oo kasoo baxay dagaalka, balse waxa jira warar sheegaya in dagaalka ka dhacay halkaa uu keenay  dhaawac iyo dhimasho loo geystay  Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee halkaas ku sugan.
Wararku waxay intaa ku darayaan  in Ciidamada Sheekh Maxamed Siciid Attam sameeyeen weerar dhinaca gudaha deegaanka ah iyo  jidgooyo  Buuralayda Gal-gala  ah, halkaas oo sida ay wararku sheegayaan ay jidgooyadaa ku  dhawaad Sadex Askari oo ku go’doonsanaa  dhinaca Waqooyi ee Degmada Gal-gala ku dileen,  islamarkaana ay ku dhaawaceen tiro intaa ka badan.
Dhinaca  kale Wararka ka imanaya Magaaladda Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in dhaawacyo kala duwan galabta la  gaadhsiiyay Cusbitaalka  gaarka loo leeyahay ee Puntland Hospital, iyadoo  dhaawacyadaa  qaarkood la sheegay inay yihiin  kuwo halis.
Malayshiyada  Sheekh  Maxamed Siciid Attam ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka waday halkaa weeraro gaadmo ah, kuwaas oo ay ku qaadaan  Xaruumaha Ciidamada maamulka Puntland ku leeyahay Deegaanka Galgala, isla markaana waxa jira xogo sheegaya inay suurta gal tahay in maalmaha soo socda uu deegaankaa ka dhaco dagaal horle oo dhexmara labada dhinac.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmay  maalin kadib markii Sheekh Maxamed Siciid Attam oo mudooyinkaa aan la maqal codkiisa laga maqlaay  Warbaahinta, isagoo  ishaaray inuu Weerar culus ku  qaadi doono maalmaha soo socda  Xaruumaha Ciidamada Puntland ka sameysteen Buuralayda Gal-gala.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *