Hargeysa(Araweelo News Network)Xisbiga Mucaaridlka ah ee UCID ayaa u magacaabay Muuse Ismaaciil Qardhab inuu noqdo Afhayeenka guud ee

 

Xisbigaasi, halka uu guddoomiye kuxigeenka Gobolka Maroodi-jeex-na ee Xisbiga UCID-na uu u magacaabay Xariir Daahir Aadan Faarax.

Sidoo kale xisbiga UCID waxay soo dhaweyeen tobaneeyo xildhibaan oo ka mida mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo shaaciyey inay si rasmiya ugu soo biireen Xisbiga UCID.

 

Munaasibadii loo sameeyey Magacaabista labada xil ee cusub oo hore uga banaanaa Xisbiga, isla markaana lagu soo dhaweeyey tobaneeyo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo ku dhawaaqay inay ku soo biireen Xisbiga UCID ayaa maanta lagu qabtey Huteelka Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qeybgalay Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, iyo garabyada Xisbiga, saraakiil sar sare oo Xisbiga ah, Salaadiin, Cuqaal, Haween, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

 

Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo magcaabay labaa sarkaal oo ka hadlay munaasibadaa ayaa waxa uu yidhi,  “U-jeedada aanu xafladan u sameynay waxa weeyaan inaan Xisbiga UCID u magacowno laba xubnood oo miisaan culus leh, labada xubnoodna ay noqonayaan hor-dhac, waxaanay labada xubnood kala yihiin Afhayeenka guud ee Xisbiga UCID ayaa waxaanu jecel-nahay inaan u magacowno Garyaqaan Muuse Ismaaciil Qardhab oo ah nin dhalinyaro aftahana oo sharcigana yaqaana, Af-Soomaaligana ILAAHAY u barakeeyey,waxaanan jecel-nahay inuu noqdo Afhayeenka ku hadlaya magaca Xisbiga UCID, oo imika kabacdi aanay cid-waliba ku hadal, Xisbigu marka uu leeyahay Afhayeen dadku meel ay ku suntadaan ayey leeyihiin, oo waxay odhanayaan Afhayeenka Xisbigu kalmadaasi ma yidhi,mise muu odhan? Marka uu Afhayeenku yidhaahdo kelmadaasi waxay noqonaysa mid rasmiya oo Xisbiga ka soo baxday, intayada kale marka anigana la igu darro ee aan hadlo waxaan ku hadlaynaa figradahayaga, laakin Afhayeenku waxa uu ku hadlayaa magaca Xisbiga oo isaga ayaa metela.

Waxa kale oo aan jecel-nahay inaan guddoomiye kuxigeenka Gobolka maroodijeex aan u magacowno Xariir Daahir Aadan Faarax. Xubnahan maanta noo yimid waa xubno ka soo jeeda deegaan aad iyo aad qadarin ugu leh Somaliland, Markii aan Siyaasada dersayna waxaan idhi deegaanka Baligubadle meesha ay raacdo ayuun-ba guuleysata. Marka annaga fure ayey noo tahay waxaanan jecelnahay inta kale ee dhiman inay iyagu INSHA ALLAAHU horsed u noqdaan.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, wuxuu ka hadlay ujeedada uu saaxada siyaasada u yimi, isagoo yidhi,  “Annaguna waxaanu doonaynaa calool wanaag iyo weji furan tusno oo marka horeba magacowno isla markiiba, oo aan tusno inaan Xisbiga UCID laga lahayn, Xisbiga UCID waa Xisbi qaran oo deegaanada Somaliland oo dhan way ku jiraan, waxaanan jecelnahay inaan deegaan walba  kusoo dhaweyno Xisbiga oo aanu Xisbigu ku suntanaan deegaan gaar ah, haddii kale waxa uu noqonayaa Xisbi fadhiida oo aan weligii guuleysan annagu waxaanu halkan u nimid inaanu guuleysano oo aan umadda hagno”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdiraxmaan Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Berigii hore marka wax la magacaabayo waxa lagu arki jiray saxaafada oo keliya xafladani waxay dheer tahay oo ay wada-taa odayaasheedi,dhaqankeedii, haweenkeedii,dhalinyaradeedii iyo dhamaan qeybihii bulshada ee kala duwanaa.Waa xafladii iigu horeysay ee aan arko ee magacaabis masuuliyiin Xisbiga UCID ah,kadib markii la-tashi baddan lala sameeyey oo munaasibadan loo sameeyey, waa laba xubnood oo xilal cusub loo magacaabay oo kala ah Afhayeenka guud Xisbiga UCID iyo guddoomiye kuxigeenka gobolka Maroodijeex”.

 

Prof Maxamed Jaamac Dhinbiil (Shiine) oo ka mida golaha dhexe ee Xisbiga UCID oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Anigu waxaan ahay reer Mareykan,Murashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen-a waa reer Mareykan, oo aqoon-yahan ah, waa qoraa, waxa uu wataa tacliin aad iyo aad u qiima baddan, haddii aanu nahay reer Mareykan mid mid ayaad naga aragtaan ee waxaan aamin-sanay inuu yahay Jamaal nin waddanka wax u qaban kara. Masuuliyiinta cusub ee uu Jamaal Cali Xuseen magacaabayna waan soo dhaweynaynaa”.

 

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Afhayeenka Cusub ee Xisbiga UCID Muuse Ismaaciil Qardhab, guddoomiye kuxigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga UCID Xariir Daahir Aadan Faarax. Kuwaas  oo si isku mida ku soo dhaweeyeen xilalkan cusub ee loo magacaabay, isla markaana waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin xilalka uu Xisbiga UCID u magacaabay, iyaga oo balanqaaday inay si daacad iyo hawl-karnimo ku jirto shaqadooda uga soo bixi doonaan haddii ILAAHAY yidhaahdo.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *