Mandheera(ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa la filayaa inay maanta ku dhawaaqdo go’aanka dacwad xaasaasi ah oo ka dhan ah Mr. Guntar  Bischoss, oo u dhashay dalka Jarmalka kuna eedaysan inuu falal dhaqan xumo ah ku sameeyay gabdho  Reer Somaliland ah iyo Haweenayda

la eedaysan oo u dhalatay Somaliland. Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay  ilo wareedyo u dhuun daloola kiiskaa.
Maxkamadda oo hore uga bilaabantay Dugsiga Tababarka Mandheera  ayaa loo fadhiistay laba fadhi 25 Dec, 2010 iyo 29 Dec, 2010 ee sannadkii hore oo halkaa lagu dhegeystay kiiska loo haysto Ninkaa Mr. Guntar iyo gabadh u dhalatay Somaliland, waxaana lagu eedeeyay ninkaa jarmalka ah inuu ku kacay falal dhaqan xumo ah oo ka baxsan anshaxa iyo dhaqanka Islaamka. 

Dacwaddaa oo ah mid xaasaasi ah ayaa ka bilaabantay Sabtidii 25/12/2010, Hool ku yaala  Dugsiga Tababarka Mandheera oo markii u horaysay la dhegeystay, waxaana   mar kale loo fadhiistay 29 Dec, 2010. Iyadoo Maxkamadda horteeda la keenay saddex markhaati oo Dacwad oogayaasha ka socday Xeer Ilaalinta Gobolka Hargeysa keeneen Maxkamadda, kuwaas oo markii Garsooraha dacwada qaadayay C/rashiid Duraan Maxkamadda horteeda ku dhaariyay  halkaa ka sheegay wixii ay ka ogaayeen denbiga Mr. Gunter iyo Haweenaydaa loo haysto.

Dacwad oogayaasha  Xeer ilaalintu waxa kaloo ay Maxkamadda  horteeda keeneen 17 sawir oo isugu jiray kuwo waraaqo xaashiyo ah lagu daabacay iyo kuwo kale oo ku jiray cajalad (Flash Disc). Sawiradaa  ayay  xeer ilaalintu ku dooday inuu qaaday Mr. Gunter, kuwaas oo ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyeen.

Laakiin Labada eedaysane ayaa Maxkamadda horteeda ka dafiray Sawiaadaa, waxayna sheegeen inaanay garanayn sawiradan goorta laga qaaday iyo sida looga qaaday, marka laga reebo  haweenayda oo sheegtay inay garanayso mid ka mid ah sawirada oo ay kula jirto eedaysanahan jarmalka ah oo ay ugu yeedhaysay Cabdifataax iyo wiil yar oo ay iyadu dashay ayaa ku tilmaantay sawiradaa kuwo laysu geeyay oo aanay waxba ka jirin, Waxayna  ku dooday in  samaynta iyo isu gaynta sawiradaa uu masuul ka yahay  mid ka mid ah markhaatiyaasha dambiga ku cadaynayay oo ay eedaymo kala duwan u jeedisay.

Mr. Gunter oo ah Nin jarmal ah mudo dheer ku noollaa Somaliland, isla markaana guursday gabadh u dhalatay Somaliland  ayaa ciidanka Bilaysku horaantii Nov, 2010 u taxaabeen xabsiga. Kadib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay falal dhaqan xumo ah oo ka baxsan shareecada Islaamka, iyadoo eedaymaha lagu sheegay inuu sawiro iyo muuqaalo Video ah, ka qaaday haween Somaliland ah oo qaawan.

Markii ay dad baddan oo ka mid ah Bulshada oo ninkaa aqoon u lahaa, ama maqlay ku war heleen in xabsiga loo taxaabay iyo falalka lagu eedeeyay, waxay taasi ku noqotay sheeko ka yaabisay, iyadoo dacwadda kiiska oo la doonayay in lagu dhegeysto maxkamadda Degamadda ee Hargeysa laga wareejiyay daba yaaqadii bishii hore. Kadib markii muran dhinaca sharciga ahi ka dhashay awooda iyo derejada maxkamadda kiiskaa qaaday, balse markii danbe loo wareejiyay Maxkamadda gobolka hargeysa, laakiin kiiskaa oo noqday mid xaasaasi ah, isla markaana abuuray saxmad iyo jawi cabsi geliyay dhinaca garsoorka. Kadib markii boqolaal  qof oo doonayay inay wax ka ogaadaan kiiskaa kusoo xoomeen maxkmadda ayaa loo wareejiyay dhinaca degmadda mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil oo laba fadhi lagu dhegeystay kiiska, isla markaana maanta la filayo inay Maxkamaddu ku dhawaaqdo go’aankeeda.

Mr. Guntar oo sannadii u danbeeyay sheegan jiray inuu Islaamay oo uu la baxay Magaca C/fataax, ayaa fadhigii ugu danbeeyay ee dhegeysiga kiiska loo haysto Maxkamadda horteeda ka cadeeyay inuu yahay nin Kiristaan ah, isla markaana aanu weligii qaadan Diinta Islaamka. Mr. Guntar  wuxuu fulin jiray mashaariic uu ka qaadan jiray Ha’yaddaha, isagoo mashaariicdaa qaarkood ka fulin jiray xaafaddaha dadka saboolka ahi ku baddan yihiin ee magaaladda Hargeysa iyo meelo kale. Sidoo kale wuxuu lahaa ganacsi goob lagu farsameeyo khadka Printarka.
Dacwadda noocan ah ayaa ah mid ku cusub Hay’addaha garsoorka Somaliland, isla markaana waa mid ay shacbiga intiisa baddani ka war sugayaan waxa ay ku dhamaato iyo go’aanka ay Maxkamaddu ku dhawaaqdo oo aanu idiin soo gudbin doono saacadaha soo socda haddii Illaahay qadaro.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *