Laascaanood(ANN) Ciidabanka Amaanka  Somaliland ayaa xabsiga u taxabaay Maayarkii magaalada Laascaanood  Mr. Axmed Aw Daahir. Kadib markii lala xidhiidhiyay falal shirqoolo ka dhan ah amaanka iyo qarimada Somaliland. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay

 

Saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka oo ku sugan gobolka. Laakiin saraakiisha Bilayska iyo hogaanada  ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan xadhiga maayarka.
Hase yeeshee warar kale oo aanu ka helay magaalada Laascaanood ayaa tibaaxay in Maayarka la qabtay saaka kadib markii uu kasoo laabtay meel lagu magcaabo Karinta oo ku taala Hawda Magaalada Laascaanood, halkaas oo uu si qarsoodi ah ugu maqnaa laba maaalmood, iyadoo aanay socdaalkiisa waxba kala socon saraakiisha amaanka iyo masuuliyiinta sare ee xukuumadda Somaliland.
Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxay inuu halkaa kula kulmay wasiir ka tirsan maamulka Puntland iyo sarkaal ka tirsan kooxda nabad  diidka ah ee SCC, isla markaana ay qorshayaal ka dhan ah qaranimada iyo amaanka Somaliland ka wadeen halkaa, balse warar kale ayaa sheegaya inuu hub iyo saanad milateri u gedbiyay kooxda SSC oo nabad diidka ah, taas oo ay ciidamada Booliska ku raad joogeen dhaqdhaqaaqiisa.
Maayarka xabsiga loo taxaabay ayaa mudooyin baddan lagu xidhiidhiyay inuu lug ku leeyahay qaraxyada iyo shirqoolada ka dhacayay magaaladaa dhawrkii sanandood ee u danbeeyay oo uu maayar ka ahaa Laascaanood, kuwaas oo lagu khaarajiyay saraakiil iyo masuuliyiin baddan oo xukuumadda Somaliland ka tirsan.
Wixii kasoo kordha xadhiga Maayarka kala soco shebekada Araweelonews

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *