Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa saaka barqadii  khudbadii u horaysay ee uu u jeediyo labada golle ee wakiilada iyo guuritada ka jeediyay dhsimaha cusub ee golaha wakiiladda Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu khudbadiisa

 

kaga hadlay dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada, siyaasada arrimaha dibada, xaalada abaaraha dalka ka taagan, caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, isagoo khudbadiisa ku xusay mushkilada ka taagan deegaanka Kalshaale oo uu Madaxweynuhu intii ka hadlayay madashaa ka sheegay in lasoo weeraray ciidanka qaranka, wuxuuna xusay  inay xukuumadiisu bixisay maalmihii lasoo dhaafay khasaarihii labada dhinac ee dadka deegaanka soo gaadhay markii ay dhowaan isku dhaceen, isla markaana ciidanka qaranka lagu amaray inay aasaan berkaddaha halkaa ka qodnaa ee muranka iyo isku dhaca dadka deegaanka sababta u ahaa.

Khudbada Madaxweyne Siilaanyo oo ahayd khubad sannadeedkiisii ugu horeysay ee uu labada golle baarlamaan u jeediyo jeediyo tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyadda Somaliland jun 26 2010, waxa kaloo uu kaga hadlay oo uu si faahfaahsan uga waramay waxqabadka xukuumaddiisa, intii ka dambaysay markii ay la wareegtay talada dalka 27-kii July  sannadkii 2010, isaga Madaxweyne  Siilaanyo sheegay inay ka go’an tahay sidii uu fulin lahaa ballanqaadyadii uu ummadda u sameeyay wakhtigii uu tartanka ugu jiray hanashada hogaanka dalka.

Sidoo kale wuxuu khudbadiisa kusoo qaaday dhinaca geedi socodka doorashooyinka iyo dumuqraadiyada oo uu sheegay inay Somaliland u tahay faa’ido weyn, isagoo xusay xiliga ay xukuumad ahaan doonayaan in dalka laga qabto doorashooyinka gollayaasha deegaanka oo sida uu sheegay ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in la qabto sannadkan 2011 gudihiisa, isla markaana la furayo uraradii siyaasadeed. 
Qudabada Madaxweyne Siilaanyo oo Muuqaal Video ah halkan ka daawo. http://www.youtube.com/watch?v=8lFt5t00RrE

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E- Mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *