Buuhoodle(ANN) Dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka subaxnimadii hore ka bilaabmay duleedka deegaanka Buuhoodle ee Hagoogane iyo Kalshaale. Kadib markii sida uu xaqiijayay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ay malayshiyada SSC saaka

dhawr aag weerar gaadmo ah kaga soo qaadeen ciidanka qaranka ee halkaa u jooga ilaalinta nabadgelyada.

Wuxuuna isagoo isagoo ka hadlaya xaalada dagaalka yidhi,  “dagaalku waxa uu bilaabmay saaka, ilaa hada si rasmi ah uma ogin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay halkaas, laakiin dib ayaanu ka soo sheegi doonaa. ciidanka waxa soo weeraray waa ciidan beeleedyo iskaashanaya iyo kooxdii hubaysnayd ee SSC, ciidanka qaranku wuu is dufaacay waayo meel madaafiici kaaga soo dhacayso dee eegan mayside waa iska dufaaci.”

Ilaa hada si cad looma hayo khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac, balse sida ay sheegayaan wararka laga soo xigatay dadka deegaanku, waxay sheegayaan in Ciidanka qaranka Somaliland dhirbaaxo kulul ku dhiftay malayshiyada soo weerartay, isla markaana ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad 20 maxbuus oo kooxda soo weerartay ka tirsan, iyadoo tiro intaa ka baddan oo dhaawac ah la geeyay dhinaca magaalada Buuhoodle.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Nuux  Taani ayaa u sheegay idaacada BBC-da ee Soomaaliga inay dhinaca ciidanka Somaliland ka dhinteen 4 askari, isla markaana la waayay laba askari, halka uu tirade dhaawaca ku sheegay 12 askari. Gen. Taani waxa uu sheegay inay Malayshiyada SSC oo ku hibaysan Tigniko iyo gaadiidka gaashaaman saaka weerar gaadmo ah kusoo qaadeen afar jiho ciidanka qaranka ee deganaa halkaa. Laakiin ay ciidanku dhirbaaxo kulul ku dhifteen, isla markaana ay hadda xaaladu degantahay oo uu dagaalkii istaagay maanta duhurkii, isagoo sheegay inay firxadkii malayshiyadu galaan gudaha magaalada Buuhoodle, taas oo ku adkaatay inay Ciidanku iyaga oo u tudhaya dadka shacabka kasoo noqdeen oo ay degeen meelihii ay hore kooxdaasi u deganaayeen ee duleedka Buuhoodle.
Gen. Nuux Taani wuxuu ugu baaqay shacbiga Buuhoodle inay iska saaraan kooxdaa ku gabanaysa dadka maatada ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E- Mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *