Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa saaka barqadii khudbadii u horaysay ee uu u jeediyo labada golle ee wakiilada iyo guuritada ka jeediyay dhsimaha cusub ee golaha wakiiladda Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu khudbadiisa
kaga hadlay dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada, siyaasada arrimaha dibada, xaalada abaaraha dalka ka taagan, caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, isagoo khudbadiisa ku xusay mushkilada ka taagan deegaanka Kalshaale oo uu Madaxweynuhu intii ka hadlayay madashaa ka sheegay in lasoo weeraray ciidanka qaranka, wuxuuna xusay inay xukuumadiisu bixisay maalmihii lasoo dhaafay khasaarihii labada dhinac ee dadka deegaanka soo gaadhay markii ay dhowaan isku dhaceen, isla markaana ciidanka qaranka lagu amaray inay aasaan berkaddaha halkaa ka qodnaa ee muranka iyo isku dhaca dadka deegaanka sababta u ahaa.
Khudbada Madaxweyne Siilaanyo oo ahayd khubad sannadeedkiisii ugu horeysay ee uu labada golle baarlamaan u jeediyo jeediyo tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyadda Somaliland jun 26 2010, waxa kaloo uu kaga hadlay oo uu si faahfaahsan uga waramay waxqabadka xukuumaddiisa, intii ka dambaysay markii ay la wareegtay talada dalka 27-kii July sannadkii 2010, isaga Madaxweyne Siilaanyo sheegay inay ka go’an tahay sidii uu fulin lahaa ballanqaadyadii uu ummadda u sameeyay wakhtigii uu tartanka ugu jiray hanashada hogaanka dalka.
Sidoo kale wuxuu khudbadiisa kusoo qaaday dhinaca geedi socodka doorashooyinka iyo dumuqraadiyada oo uu sheegay inay Somaliland u tahay faa’ido weyn, isagoo xusay xiliga ay xukuumad ahaan doonayaan in dalka laga qabto doorashooyinka gollayaasha deegaanka oo sida uu sheegay ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in la qabto sannadkan 2011 gudihiisa, isla markaana la furayo uraradii siyaasadeed.
Qudabada Madaxweyne Siilaanyo oo Muuqaal Video ah halkan ka daawo. http://www.youtube.com/watch?v=8lFt5t00RrE
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E- Mail info@araweelonews.com