images/stories/hr.jpg Hargeysa(ANN) Magaalada Hargeysa ayaa maalmihii u danbeeyay laga dareemayay dhaqdhaqaaqa diyaargarawga munaasibada ciidal Fitri oo ku beegan maalinta Jimcaha ee 10 Sep, 2010. Waxaana wadooyinka iyo shaaracyada cidhiidhyay gaadiidka yar yar oo mudooyinkii u danbeeyay kusoo badanayay Somaliland, gaar ahaan magaalada caasimada ah.

Sidoo kale dadka oo u diyaargaroobayay munaasibada ciida, isla markaana doonaya inay suuqyada ganacsiga kasoo iibsadaan dharka ciida iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin ayaa si weyn uga dhigay saxmad shaaracyada iyo goobaha suuqyada ganacsiga iyadoo wadooyinka badhtamaha magaalada qaarkood laga xidhay gaadiidku inay maraan si ay dadku fursad ugu helaan adeegyada ay uga baahan yihiin suuqyada ganacsiga, halkaas oo marka laga yimaado dukaamada, suuqyada bacadlayaasha iyo goobaha kale ee badeecadaha iyo dharka lagu iibiyo ay dadka meheradaha yar yar sida Kaaryoonayaasha oo kale ku iibiya wax iyo kuwo badeecado dhar, qalbka caruurtu ku ciyaarto iyo waxyaabo kale soo dhigeen si ay iyaguna dhinacooda maalintan oo kale uga faa’idaystaan oo ay nolol maalmeedkooda iyo xaqal ciidka caruurtooda u soo saaraan. 

 

 


Weriyayaal ka socday shebekada wararka ee Araweelonews ayaa xalay booqday qaar ka mid ah bacadlayaasha iyo goobaha ganacsiga oo u muuqday meelo ceeryoon ah oo aanay dadka wada socdaa I arki Karin. Muuqaalka goobaha bacadlayaasha ayaa aad uga duwanaa sidii lagu yiqiin waqtiyadan oo kale, kuwaas oo dadka ugu baaqi jiray inay wax ka iibsadaan marka ay ku beegan yihiin wadooyinka cidhiidhka ah ee dhexmara goobaha bacadlayaasha badeecadaha iyo dharka ay iibinayaan wadhaan, balse may jirin maalmihii u danbeeyay taas, waxayna ku mashquulsanaayeen iibka dharka iyo waxyaabaha kale ee ay hayaan.
 “inkasta oo safadu yaraayeen hadana Illaahay mahadii, ciidana waxad moodaa inay ka duwan tahay kuwii mudooyinkii ugu danbeeyay. Dadkuna si fiican ayay wax u iibsanayaan oo waxay kusoo beegantay isbedel ka dhacay dalka iyo dhaqaalihii oo musharooyinkii la siiyay”. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah bacadlayaasha oo ay la kulmeen weriyayaasha shebekada araweelonews.

 

 

 

 


 “Sanadkii hore xiligan oo kale ciida waxa jiray xaalad siyaasadeed oo qalafsan iyo muran weyn oo gilgilay dalka, balse maanta illaahay mahadii suuqu wuu fiican yahay oo dadku salka ayay ka degan yihiin. Qof walbaana wixii uu iibsan karo ayuu iibsnayaa.” Sidaana waxa yidhi nin ka mid ah bacadlayaasha oo magiciisa ku sheegay cismaan Naasir.

 

 

 


 Ciidan oo diyaaragawgeeda si weyn looga dareemay magaalada caasimada ah ee hargeysa ayaa u muuqata mid ka duwan ciidihii ugu danbeeyay marka loo eego dhinaca dhaqdhaqaaqa, balse waxay dadku ku doodayaan inay qiimaha sarifka dollarku hoos ugu dhacay si weyn, taas oo aan waxba ka bedelin qiimaha maceeshada, shidaalka,  dharka iyo waxyaabaha kale ee ay u bahan yihiin.
Inkasta oo uu jiray muuqaalka noocaa ah ee diyaargarawga ciidal Fitriga. Hadana waxa aan la dafiri Karin inay jiraan kumanaan qoys oo aan awoodi karayn, ama awoodi waayay  inay galaan suuqyada ganacsiga ee magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba, kuwaas oo duruufo dhaqaale u saamixi waayeen. si kastaba ha ahaatee waxay dadka shcabiga Somaliland ku ciidayaan farxad iyo deganaasho, iyadoo ciidii sidan oo kale ee kale hore xaaladu ahayd mid qalafsan oo ay xiligaa jirtay xaalad siyaasadeed oo muran iyo mudaharaado ay ku shahiideen dhalinyaro taagnaayeen, balse ciidan rajada iyo yididiilada shacbigu kor u kacday. Kadib markii ay Somaliland dhowaan ka dhaceen doorashadii isbedelka keentay oo ku dhamaatay si nabadgelyo ah.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *