Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kasoo laabtay safar uu dalka Djibouti kaga qeyb galay munaasibad lagu xusayay sannad guurada 40-aad ee ka soo wareegtay qoraalka Afsoomaaliga, ayaa sheegay in aanay

 

Madaxda Somalia ee ay ku kulmeen halkaa wax wada hadal ah ka yeelan arrimaha siyaasada, balse ay salaani dhexmartay Madaxweynaha Somalia.

Madaxweyne Siilaanyo  oo warbaahinta hadal ka kooban ku siiyaysy qolka nasashadda ee madaarka Hargeysa markii uu dalka kusoo laabtay galabta, waxa uu ka hadlay safarkiisa, isagoo yidhi, “Waxaanu ka soo qab-galay shir lagu xusayay 40- guuraddii ka soo wareegtay qoraalka Afsoomaaliga oo lagu qabtay dalka Djibouti. Xafladaasi waxay ahayd xaflad si weyn ay u yimaadeen cid allaale iyo cidii danaynaysay Afsoomaaliga. Dawladda Djibouti ayaa marti qaadka lahayd.” ayuu yidhi.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay Madaxda ka qaybgashay munaasibadaa, waxa uu yidhi, “Waxa halkaa  joogay Madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka socday wadankaa,  masuuliyiin ka socday kililka shanaad ee Soomaalida Ethiopia,  Hay’adda PEN ee danaysa Afsoomaaliga iyo dad kale oo daneeya Afsoomaaliga taariikhdiisa, qoraalkiisa, hidihiisa iyo dhaqankiisa,”ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somliland oo sharaxaad ka bixinaya miisaanka munaasibadaa, waxa uu yidhi,“Xaflad aad u weyn ayay ahayd oo si qiimaleh loo soo agaasimay oo laysugu yimi. Waxaana jecelahay inaan halkan mahad naq balaadhan uga soo jeediyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladiisa oo mar walba aad u daneynayay shirkan qabashadiisa oo keliya maahee,  mar walba si laxaadle u daneeya bahda u shaqeysa Afsoomaaliga, dhaqankiisa iyo Hidihiisa had iyo jeerna gacan weyn siiya. Waxaan jecelahay inaan mahad naq u soo jeediyo ciddii ka soo qeyb gashay oo dhan. Xafladaa oo anagana  si weyn naloogu soo dhaweeyay, waxay ahayd  xaflad milgo iyo maamuus leh.” 

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay Madaxdii ay ku kulmeen munaasibadaa, isagoo yidhi, “Waxaanu halkaa kula kulanay Madaxdii ka socotay wadanka Soomaaliya, waxa kale oo aanu kula kulanay dawlada Djibouti oo aanu wax wanaagsan uun ka wada hadalay. Xaflad baanu u soconay oo ma jirin wax  wada xaajood iyo wada hadal ah oo aanu la yeelanay Madaxda Somalia. Laakiin salaan wanaagsan iyo inaanu nabad-gelyo ku wada noolaano iyo inaanu mustaqbalka marka ay timaado si maamuus leh u wada hadalo ayaanu ku heshiinay.”

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo oo wax laga weydiiyay cabashooyinka iyo rabshadaha ka dhashay doorashadii iyo eedaha loo jeediyay xukuumaddiisa, waxa uu yidhi, “Arrintaa doorashooyinka xisbiga KULMIYE-na ma maamulayn, dawladuna ma maamulayn. doorashooyinka waxa maamulayay Komishanka doorashooyinka qaranka sida uu sharcigu ina faray. Markaa wixii ku su’aal ah ee ku saabsan arrintaa iyagaa laga weydiinayaa. Dawladdu intii ay doorashooyinka waajib ku lahayd way ka geysatay.” ayuu yidhi.

Mar la weydiiyay rabshadaha dadku ku dhinteen ee ka dhashay natiijadii doorashada, wuxuu yidhi, “Waxaan aad iyo aad uga xunnahay cid kastaaba masuuliyadda ha lahaatee, wixii dhibaato ah ee dadka iyo ummadda soo gaadhay,  horena waan uga tacsiyadeeyay imikana waan ka tacsiyadeynayaa. Wixii khasaare ina soo gaadhana waa mid ummadeena iyo dadkeena soo gaadhay,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna baaq u soo jeediyay dadweynaha iyo axsaabta siyaasadda, isagoo yidhi, “Waxaan kula talinayaa ummadda iyo dadweynaha iyo cidii xataa wax ka tirsanaysa, doorasho haddii ay timaado cidina way hadhaysaa, cidina way soo baxaysaay’e waxa weeye in dadka guud iyo maslaxadda qaranka laga eego  wixii soo baxa ee Hay’addaha sharciga ah ee arrimahaa qaabilsani ay soo saaraana loo hoggaansamo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland..”

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku weheliyay marwaddiisa  Aamina Weris , Wasiirrada madaxtooyadda, arrimaha dibadda, waxbarashadda iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, waxaana kusoo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo galabta kasoo degay madaarka Hargeysa kusoo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda  C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga talladda haya ee Kulmiye  Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ah golayaasha qaranka Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *