Nairobi(ANN)Dowladda Kenya ayaa amar ku siisay kumanaan qoxooti soomaali ah oo ku nool magaalooyinka dalkeeda inay ka baxaan oo dib ugu laabtaan xerayaha qoxootiga. sidoo kale dadka ajaanibka ah ee ku ah dalkeeda qoxootiga oo ka yimi dalal afrika ah ayaa

amar lagu siiyay inay ku laabtaan xeryaha qoxootiga. sidaana waxay dawlada Kenya shaaca ka qaaday. kadib markii ay soo waajaheen rabshado, qaraxyo iyo qalalaase halis geliyay nabadgelyada dalkeeda.

Kenya waxay sheegtay inay talaabo adag oo dhinaca sharciga ah ka qaadayaan ciidamada boolisku dadka qoxootiga Soomaalida ah ee u hogaansami waaya amarkaa, waxayna Soomaalida magangalyo doonka ah iyo kuwa  qaxootiga ahba ku amartay inay iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo u dhaw soohdinta Soomaaliya la wadaagto dalkeeda, taas oo ah xerada ugu da weyn xeryaha qoxootiga aduunka.

Sidoo kale Dadka ka yimi  dalalka kale ee qoxootiga ah  ayaa amar  lagu siiyay inay iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga ee Kakuma oo ku yaal dhinaca Waqooyiga galbeed ee Kenya, waxayna talaabada ay dawlada Kenya qaaday ee qoxootiga ku abuurtay kumanaan qoxooti ah oo ku sugan dalkeeda wer wer, iyadoo xeryaha qoxootiga ee dalkaasi yihiin kuwo buux dhaafay oo aan qaadayn dadka qoxootiga ah ee ku sugan dalkeeda, kuwaas oo ganacsiyo iyo shaqooyin ay noloshooda ku deberaan u raadsada magaalooyinka waaweyn ee Kenya.

Tallaabada dawlada Kenya ku amartay qoxootiga inay ku laabtaan Xeryaha qoxootiga ayaa ka dambeysay. kadib markii mudooyinkii u danbeeyay ay dalkaa ka dhaceen  weeraro is xigay oo ka dhacay xaafadda Islii ee  ee magaalada Nairobi oo Soomaalidu ku badan tahay, isla markaana ku haysato ganacsi iyo weliba xaafado  kale oo ka mid ah dhinaca waqooyi bari ee dalka, waxayna dawlada Kenya ku eedaysay weeraradaa  inay ka dambeeyeen kooxda Islaamiga ee al-Shabaab oo hore wacad ugu maray inay Kenya sida Somalia noqonay. kadib markii ay ciidamadeedu soo galeen Somalia Oct 2011, iyagoo weeraro ku qaaday kooxda Al-shabaab oo gacanta ku haysay inta badan deegaamada Somalia.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *