Ceergaabo(ANN)Badhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geeljire), ayaa ka hadlay mudada loo cayimay fadhiga u horeeya ee xubnaha golaha deegaanka Degmada Ceergaabo iyo dhaarinta xildhibaanada. kadib markii muran iyo khilaaf ka dhashay qaar ka mid ah

 

xildhibaanada oo sheegay inay qabsadeen fadhi ay ku doorteen Maayar iyo ku xigeen.

Kulankaa oo maalintii Axadii lasoo dhaafay uu sheegtay Maayarkii hore ee magaalada Ismaaciil Xaaji Nuur ku dooday in loogu doortay mar labaad Maayar, balse arrintaa waxa ka dhashay rabshado ganafka ku dhiftay kala badh xildhibaanada golaha deegaanka Ceergaabo, kuwaas oo ku doodaya inaan fadhigaasu ahayn mid sharci ah oo la mariyay nidaamka iyo xeerka golayaasha deegaanka dalka.

Laakiin waxa soo baxay warar sheegaya in dib loo dhigay fadhiga golaha deegaanka Ceergaabo. kadib markii muran iyo rabshado ka dhasheen, iyadoo fadhiga kooxda xildhibaanada ahi ku doorteen Maayarka lagu tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga.

Hase yeeshee Badhasaabka gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geeljire), ayaa shebekada wararka ee Araweelonews wax ka weydiisay fadhiga xildhibaanada golaha deegaanka ee Ceergaabo, wuxuuna sheegay inay xaaladu degantahay, isla markaana maalinta Axada ee 23 Dec, 2012, ay yeelanayaan fadhigooda u horeeya, isagoo yidhi, “Maalinta Axada ee soo socota ayaa la qabanayaa fadhiga intaa ka badan kuma odhanayo” ayuu yidhi Badhsaabka Sanaag, wuxuuna ka gaabsaday inuu faah-faahin ka bixiyo xaalada iyo khilaafka ka dhashay Maayarka ay qayb ka mid ah xildhibaanada cusub ee golaha deegaanku ku doorteen kulan ay isugu yimaadeen.

Dhinaca kale Xildhibaan Jaamac Jibriil jaamac oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Ceergaabo, ayaa u sheegay shebekada Araweelonews in 23 Dec, loo balamay fadhiga u horeeya ee golaha deegaanka, wuxuuna sheegay in aanay sharci ahayn in koox yari ay baalmarto sharciga oo sheegtaan inay doorteen Maayar, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, ” Waxa dhacay may ahayn sharci, suurta galna maaha in koox yari guri hoostii fadhiistaan oo sheegtaan inay doorteen Maayar, taasi maaha mid soconaysa, sababtoo ah fadhiga u horeeya ee golaha deegaanka waxa ay yeelanayaan marka ay maxkamad sharci ahi dhaariso, waxaana fadhiga gudoominaya xildhibaanka ugu da weyn, markaa ka dib ayaa la gelayaa doorashada Maayarka iyo ku xigeenka. laakiin talaabada Odaygu qaaday may ahayn mid sharci ah ee wuxuu suuqa kasoo kaxaystay Nin wadaad ah mudanayaashuna may dhamayn oo lama marin nidaamkii sharciga. markaa waxba kama jiraan sheegashada Odayga ee ah way lay doortay, waana ka aqoondaro oo sidaa ayuu u haystay sharci ” ayuu yudhi Xildhibaan Jaamac Jibriil. jaamac

 

Xildhibaan Jaamac Jibriil, waxa kaloo uu sheegay inuu mushar u yahay jagada Maayarka Ceergaabo, isagoo ku dooday inuu haysto aqlabiyada xildhibaanada golaha deegaanka Ceergaabo, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay qoraal Ururka Wadani ku hanbalyeeyay doorashada Maayarkii hore ee muranku ka dhashay, taas oo uu sheegay inay tahay wax lala yaabo in Ururka Wadani taageero talaabada aan sharciga waafaqsanayn ee uu sameeyay Maayarkii hore ee Ceergaabo ee ay ku hanbalyeeyeen jaraa’idka.

“Waa wax lala yaabo in Ururka Wadani Odayga Ismaaciil ku hanbalyeeyo sharcidarada uu sameeyay iyo fawdada uu kaga cararayay xaqiiqda imanaysa marka la gaadho fadhiga sharciga ah ee golaha deegaanka Ceergaabo.”  ayuu yidhi xildhibaan Jaamac Jibriil oo ah aqoonyahan doonaya inuu noqdo Maayarka Cusub ee golaha deegaanka Ceergaabo, isla markaana ka mid ah xildhibaanada kasoo baxay Xisbul xaakimka Kulmiye ee xukuumadda Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *