Hargeysa(ANN)Tartan adag oo siyaasadeed ka dhex socda xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Caynaba. kadib markii  laga soo gudbay tartankii ololaha doorashada golayaasha deegaanka ee dalka,  isla markaana la galay tartankii labaad oo lagu loolamayo

xilalka Maayarka iyo Maayar xigeenka.

xildhibaanadii ururka Rays uga soo baxay magaalada Caynaba oo ahaa  Afar xubnood ayaa xilka Maayarka  usoo sharaxay ugu horayba xildhibaan lagu magcaabo Axmed Qani,  balse waxa uu ugu danbayntii ka tanaasulay tartankaa, kuwaas oo gaarkooda isu taagay.

Hase yeeshee laba xildhibaan oo ka soo baxay xisbiga xukuumadda ee kulmiye oo kala ah  Xasan Yuusuf Aadan (Dhabaase) iyo Faysal Axmed Jaamac (faysal sanweyne) ayaa iyagu hada isugu soo hadhay tartanka, kuwaas oo loolan adag mid walba dhiniciisa ugu  jiro Maayarka Degmada Caynaba.
Waxa jira xoggo la xidhiidha kaanbaynka labadaa xildhibaan u dhexeeya  oo sheegaya  in murashaxa ugu awooda iyo taageerada badan ee loo saadaalinayo inuu hanto  kursiga Maayarka Degmada Caynaba uu noqdo  Faysal Sanweyne oo haysta aqlabiyada xubnaha golaha deegaanka cusub ee Caynaba, balse Musharaxa kale ee lagu magcaabo Xasan Dhabaase, ayaa sida ay xoggahaasi sheegayaan dhiniciisa kaanbayn adag iyo loolan siyaasadeed oo uu doonayo inuu ku helo aqlabiyada xubnaha golaha deegaanka degmada Caynaba wado.

Loolanka xildhibaanada Caynaba ayaa socda iyadoo aan ilaa hada la dhaarin xildhibaanada cusub ee soo baxay, kuwaas oo iyadoo aan weli la dhamayn sharciyadooda iyo dhaarta ku waajibtay usii hanqal taagaya xilka hogaaminta golaha,  isla markaana uu u muuqdo keliya kursiga maayarnimo.
Si kastaba ha ahaatee waxa  la filayaa sida ay wararka ka imanaya degmada Caynaba sheegayaan in maalinta beri ah kitaabka gacanta loo saaro, waxayna dhaqdhaqaaqyada loolanka kaanbaynka ee ka socda xubnaha golaha deegaanka Caynaba bilaabeen ka hor intii aan la dhaarin, iyadoo la filayay in loolanka Maayarka iyo ku xigeenku bilaabmaan dhaarinta xildhibaanada kadib.

Laakiin tartanka lasoo qadimay ee xildhibaanada golaha deegaanka Caynaba iyo loolanka adag ee u dhexeeya  ayaa sababay in kursiga Maayarnimo iyo xildhibaanada heerka kala iibsigoodu sida ciyaartoyda dunida suuq yeesho, taas oo sababtay in xildhibaan kasta codka laga doonayo halkii mudane qiimihiisu gaadho in lagu baayaco lacag gaadhaysa 10,000$

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *