Hargeysa(ANN) wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa Telefoon ku horjoogsaday iskubedel uu Agaasimaha Guud ee Wasaaraddiisu ku kala bedelay Agaasime Waaxeedyadda Cashuuraha ee  wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo Agaasimuhu u cuskaday isku bedelkooda dar-dar galinta

Dakhliga Miisaaniyadda oo is-dhimay sadex biloodkii ugu danbeeyay iyo natiijada kasoo baxday gudidii loo saaray arrintaa.

Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha isku bedelka lagu samyeeyay shaqaalaha  wasaaradda maaliyadda ee qaybaha dakhliga ayaa la hakiyay. Kadib markii uu Wasiirka Maaliyadda oo fasax ugu maqan dalka Sucuudigu ka codsaday Agaasimaha in la hakiyo isku bedelkaa, balse wararka ayaa sheegaya inuu Agaasimuhu ku wargeliyay Wasiirka in aanu ku caloolsamayn hakintaa, maadaama oo wasiirku hore u ogaa talaabada agaasimaha.
Sidoo kale wararka shebekada Araweelonews heshay ayaa sheegaya inuu jiro muran u dhexeeya Agaasimaha iyo Wasiirka Maaliyada Eng. Xaashi oo la xidhiidha arrimahaa, isla markaana  aan  wali xal looma helin muranka ka dhex dilaacay Wasiirka iyo Agaasimaha. Sidaa awgeed aanu  ilaa hadana iskubedelkii uu Agaasimaha Guud sameeyay dhaqan galin,. Qaar ka mid ah saraakiisha wasaaradda Maaliyada ayaa ku tilmaamay arrintaa mid  saamayn ku yeelan karta hawlaha dakhli ee  wasaaradda  oo mudooyinkii u danbaysay  maraysa meel adag iyadoo uu marka horeba ka dhex jiray khilaaf culus oo sababay inuu Dakhligii la filayay hoos u dhacay, kaas oo dhowaan loo saaray guddi heer qaran ah, iyadoo Agaasimaha Guud ee Maaliyaddu ku sababeeyay isku bedelkaa natiijadii kasoo baxday gudidaa. Balse wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi ganafka ku dhuftay.
Nuqulka  Qoraalka lagu kala bedelayay shaqaalaha wasaaradda ee uu Agaasimaha Guud soo saaray, balse uu Wasiirka Maaliyaddu  ganafka ku dhuftay ayaa u qornaa sidan:-
“jeedo: kala bedel xilalka hoos ku qoran.
Wasaaradda Maaliyadda ee Dalkan dalkan Somaliland oo hada gashay sadex biloodlihii labaad 2aad ee sanadka 2011 (Second Quarter) ayaa is dhimay wax soo saarkii Dakhliga ee bilihii Jan-March 2011 iyadoo ay dhamaan shaqaalaha iyo Madaxda Wasaaraddu u dadaalayeen ayaa hadana ay dhacday in la gaadhi waayo halkii loo baahnaa. Qiimayntii la hor dhigay Golaha Wasiiradda iyo wada tashigii Dawladeed ee arrintaas ku saabsanaa oo loo saaray Guddi uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa soo saaray go’aamo wax ku ool ah sidii wax looga qaban lahaa hoos u dhaca Dakhliga.

Go’aankaas waxa ka mid ahaa olole cashuur ururineed in la qaado si wax soo saarka loo kordhiyo, ololahaas oo ay taariikhdu markay ahayd 19/04/2011 3-wasaaradood wadajir u qaadeen socona doona illaa muddo si loo helo Dakhligii loo baahnaa.
Hadaba, aniga oo arrintaas ka duulaya ayaan sameeyay isku bedel qaar ka mid ah Madaxda sar-sare ee ilaha dakhliga ee halbowlaha u ah Wasaaradda Maaliyadda. Aniga oo u arka inuu wax weyn soo kordhin doono isbedelkani

Hadaba, waxa la farayaa Madaxda hoos ku qoran inuu masuul kastaaba degdeg uga hawl galo meesha loo bedelay, xilkii hore u hayayna ku wareejiyo Masuulka bedelaya, sidoo kale waxa Madaxda warqadan. Ogaysiinta ku leh laga codsanayaa inay gacan buuxda ku siiyaan wixii kala gudboon Masuuliyiintaas si ay xilkooda u gutaan
Magacyada iyo meelaha loo bedelay
1.    Maxamed Ducale Cali   Ag/Cashuuraha /Berriga   Agaasimaha Qorshaynta
2.    Aadn Daa’uud Cigaal     Agaasimaha Qorshaynta  Agaasimaha W/C/berriga
3.    Cali Axmed Bulbul          Maamulaha K/berbera     Isuduwaha G/Maroodi jeex ee C/berriga
4.    Axmed C/laahi Oomaar  Isuduwaaha C/G/Maroodi-jeex   Maamulaha Kastamka berbera
5.    Cumar Xasan Caalin   Xarunta W/Kastamka     Madaxa baadhista iyo Kormeerka gaobolada galbeed
6.    Cilmi Aadan Abokor   Xarunta      Madaxa Kormeerka Gobolada Bari
7.    Khadar Maxamed Cabdi               Xarunta ilaa Amar danbe
Allaa Mahad Leh
Jaamac Axmed Maxamed

Agaasimaha Guud EE Wasaaradda Maaliyadda.” 
Dhinaca Khilaafka ka dhashay arrintan ayaan la garanayn halka  uu Salka ku hayo iyo saamaynta uu ku yeelan doono xilalka masuuliyiintaa, sidoo kale waxaan laa garanayn saamaynta uu ku yeelan doono Dakhligii la filayay maadaama marka horeba hoos u dhac ku yimi sadexdii bilood ee u danbeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *