Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay geedkii u horreeyay ku beeray qasriga madaxtooyada xuska maalinta caalamiga ah ee deegaanka adduunka oo sanad walba laga xuso 5-ta Bisha June. Madaxweynaha Somaliland waxa

 

uu xarunta madaxtooyada ka jeediyay khubad uu ugu tallo galay munaasibada xuska deegaanka adduunka.
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay xuskaasi waxa uu yidhi“Maanta oo ah maalinta deegaanka Adduunka oo ku beegan 5-ta bisha June waa maalin loo asteeyay xuska deegaanka Adduunka taas oo aynu la wadaagayno shucuubta caalamka waxaanan salaan u dirayaa dhammaan dadweynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaanan hambalyo u dirayaa shaqaalaha kala duwan iyo Ha’yadaha kala duwan ee ka shaqeeya dhinaca deegaanka iyo dhirta iyo daaqa. Waxaynu ogsoon nahay haddii deegaanku xumaado inaanay nolol macno lihi ka suurto galayn dunida aynu ku nool nahay. Dhaqaalaha dalkeenu waxa uu inta badan ku tiirsan yahay xoolaha nool xoolaha nolashooduna waxay ku xidhan tahay deegaanka.”
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu qiray dhibaatooyinka deegaanka dabiiciga ah haysta waxaanu yidhi “Waxa marag ma doon ah in xaalada deegaanku marayso meel laga dayriyo oo si weyn looga dareemayo dalka Somaliland tusaalena ay u tahay abbaarta soo noqnoqota ee sida joogtada ah u haleesha dhulkeena taas oo ka dhalatay isticmaal xumida khayraadka dabiiciga ah ee ILAAHAY inagu manaystay.waxaana hubaal ah haddii aan wax laga qaban waxyeelada deegaankeena haysata oo aynu gacmaheena ku sababnay in deegaankeenu isku rogi karo dhul lama degaan ah.”
“Xukuumad ahaan waxa naga go’an sidii aanu horeba u sheegnay inaanu soo celino seereyaashii,inaanu xidhno harooyinkii biyo xidheenadii waxaan dadweynaha Somaliland ku adkaynayaa in la joojiyo jarista dhirta qoyan, xidhista dhulka sharci darada ah iyo ugaadhsiga duur joogta iyo deegaamaynta cusub iyo Baraagaha,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu faray Ha’yadaha u xil saaran arrintan inay wax ka qabtaan ilaalinta deegaanka waxaanu yidhi “Ha’yadaha ku shaqada leh waxaan farayaa wax ka qabashada arrintan,waxaan Ha’yadaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ka codsanayaa jnay gacan waafiya ka geystaan dhawrista deegaanka. Waxaan soo dhawaynayaa wax kasta oo bedeli kara dhuxusha.” Ayaa lagu  yidhi qudbada Madaxweynaha Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *