Hargeysa(ANN)Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo lagu xusayay maalinta deegaanka Adduunka ee 5-ta bisha June oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Xaflada loo sameeyay xuskan waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiiro, duqa caasimada hargeysa, Hay’addaha ka shaqeeya deegaanka iyo dadweyne kale .

Munaasibada maalinta deegaanka Aduunka ayaa  sannadkan hal-ku dheg  looga  dhigay “Deegaanku waa nolasha”. Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xuska munaasibadaa, waxa uu  yidhi,  “Waxaan ku faraxsan nahay inaynu sannadkan u xusayno maalinta xuska deegaanka si weyn, waxa loo baahan yahay inaynu ku baraarugno oo shacbi ahaan iyo qaran ahaanba aynu ilaashano deegaanka waxaan ku dardaarmayaa in deegaanka loo yeesho lexjeclo maadaama oo nolasheenu ku xidhan tahay oo aan laga maarmayn oo noloshu ku xidhan tahay, ilaalinta deegaankuna waa   mid wax ka  taraya cimilada  kululaanaysa iyo roob yaraanta.” Ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.
Wuxuuna isagoo la hadlaya waajibka qof kasta ka saaran ilaalinta deegaanka waxa uu yidhi, “Waxa la inooga baahan yahay qof kastaa miyi iyo magaalo ka uu doono ha joogee waa inuu inta uu joojin karo ee biyo ah uu isku dayo inuu joojiyaa, haddii nin walba aqalkiisa toban foosto oo biyo ah ka qabto waxa uu badbaadinayaa kharash ka bixi lahaa waxaanad badbaadinaysaa dhul qulqulka biyuhu jari lahaayeen. Waxa kale oo aan kula talinaynaa in dhirta maanta la beeray waa inaynu xanaanaynaa oo ka shaqaynaa sidii sanadka soo socda ay u noqon lahaayeen dhir baxda oo la manaafacaadsado.”

 

 

Madaxweyne Ku Xigeenku waxa uu sheegay inay ka go’an tahay xukuumadiisa inay wax ka qabato dhibaatooyinka haysta deegaanka dabiiciga ah.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha, horumarinta deegaanka iyo duurjoogta  Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ka hadlay xuska munaasibada maalinta deegaanka waxa uu yidhi,  “Waxaan anigoo ka faa’iidaysanaya fursadan munaasibada xuska 5-ta bisha June ee gudo iyo dibadba joogta waxaan hambalyaynayaa cid kasta oo kaalin muhiim ah ka geystay suurto gelinta xuskan oo ay ka mid yihiin Hay’addaha, jaamacada Hargeysa, wasaaradaha iyo Maayarka Caasimada. Runtii saaka xafladan waxay ka mid ahayd xaflado balaadhan oo lagu xusayay maalinta deegaanka adduunka oo lagu qabtay dalka Somaliland oo dhan.Geedkii u horeeyay ee aynu munaasibadan ku xusaynay waxa xarunta madaxtooyada ku beeray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), geedkii labaadna waxa beeray Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Saylici oo ka beeray Jaamacada Hargeysa. Waxa saaka dalka oo dhan laga beeray illaa toban kun oo geed min Saylac illaa Laascaanood.” Ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.
“Shacbiga iyo dawladba looma kala hadhin maalinta deegaanka waxa iyaduna Berbera iyo Sheekh ka beertay dhir Marwada koowaad ee  Somaliland Marwo Aamina Sheekh  Maxamed JIrde, waxa kale oo aan u mahad celinaynayaa kuliyada Sayniska ee jaamacada Hargeysa oo aan rajaynayo inay wado wanaagsan oo aqooneed ay inoo jeexi doonaan,”ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in Guddida abaaraha ee Madaxweyne Ku Xigeenku Guddoomiyaha u yahay ay dedaal badan ugu jiraan sidii sannadkan looga gaashaaman lahaa abaaraha soo noqnoqda, isla markaana  ay u hirgelin lahaayeen biyo xidheeno laga sameeyo gobolada dalka.
Sidoo  Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa ayaa ka waramay sida Illaahay ayaadkiisa ugaga hadlay ilaalinta deegaanka iyo daryeelka, isagoo soo qaatay aayado ka waramaya masuuliyada qof walba ka saaran ilaalinta deegaanka iyo ka faa’idaysiga, wuxuuna usoo jeediyay in maalintan oo kale hal kudheg  looga dhigo ayaadaha ka waramaya deegaanka ee quraanka kariimka ah ku jira, isla markaana loo baahanayahay inay waaxda deegaanka ee wasaaradu qaataan shareecada Islaamku waxa ay ka tidhi deegaanka ee ku cad quraanka Kariimka ah.

 

 

 

 

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo kulankaa ka hadashay ayaa dhinaceeda sheegatay baahida loo qabo in xil layska saaro deegaanka iyo mushkiladaha dabiiciga ah ee xaalufku keeno looga hortegi lahaa.  Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr.  Axmed Xaashi Nuur (Oday) iyo Agaasimaha guud ee deegaanka ee wasaarada xanaanada xoolaha Maxamed X. Muuse (Galaydh), ayaa iyana ka hadlay munaasibadaa oo ka waramay dhamaantood ahmiyada maalintani leedahay waxaanay dadweynaha ugu baaqeen inay u guntadaan sidii loo dhawri lahaa deegaanka dabiiciga ah ee dalka. iyadoo Dr. Xaashi soo jeediyay in dadka dhulka deegaanka xidhtay ee Ooda ku wareejiyay qorshe loo sameeyo oo loo cashuuro, taas oo sida uu sheegay meesha ka saaraysa in qof walba dhul aanu waxba ku qabanayn oo xataa aanu deegaan ahaan ilaalinayn iska goosto. Waxa kale oo uu wasaaradda xannaanada xoolaha,   dhirta deegnaaka  iyo duur joogta usoo jeediyay inay mamnuucaan dhuxusha aan ahayn geedka garan-waaga, si loo badbaadiyo dhirta mihiimka ah sida galoolka iwm, isla markaana la ganaaxo qofka shida dhuxul aan ahayn geedka garan-waaga.  
Sidoo kale, waxa iyaguna munaasibadaa  ka hadlay doorka ay ka qaadanayaan Guddoomiyaha Hay’ adda wadaniga ah ee Candle Light Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Boondare oo ka shaqeysa ilaalinta deegaanka dabiiciga ah, iyadoo  ka hadashay hawl galo badan oo ay Hay’addaasi dalka ka fulisay, kuwaas  oo sida ay sheegtay u  wanaagsan ilaalinta deegaanka dabiiciga ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *