Raysal Wasaaraha  EthiopiaAdis Ababa(Araweelo News Network) Raysal wasaaraha Dalka  Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha

 

Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta gaadhay magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ka dib markii ay wefdiga Madaxweyne Siilaanyo soo dhamaysteen Socdaalo ay isaga dab qaadeen London iyo Washington.

Kulanka Labada Hogaamiye ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa qaatay ku dhowaad laba saacadood, ayaan si cad loo ogayn waxyaabaha lagaga hadlay, isla markaana ma jiro wax war murtiyeed ah oo ay labada dhinac wadajir usoo saareen kulankaa ka dib.

Hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulankaa  ka dib saxaafada kula hadlay xarunta Madaxtooyadda Ethiopia, wuxuuna  sheegay in ay Raysal wasaare Hailemariam Desalegn ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland iyo arrimaha mandaqada.

Sidoo kale wuxuu xusay in ay kulanka kusoo qaadeen qodobo la xidhiidha sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Somaliland iyo Ethiopia waxa ka dhaxeeya xidhiidh iskaashi oo aad u wanaagsan, kaas oo aanu rajaynayno inuu ka sii socdo halkaasi, ma aha markii u horeysay ee aan la kulmo Raysal wasaaraha Ethiopia, aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan maanta la kulmo,  waxaana aanu ka wada hadalnay oo aanu isugu nimi sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.” Ayuu yidhi

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in ay Raysal waasaraha Ethiopia ka wada hadleen arrimaha amanka mandaqada iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen, isagoo yidhi, “Waxaanu ka wada hadlanay Raysal wasaaraha arrimo ku saabsan ammaanka iyo sidii aanu iskaashi uga samayn lahayn dhinacyo kala duwan oo labadayada dalba masaalix u ah,” ayuu yidhi, wuxuuna uga mahad celiyay Raysal wasaaraha Ethiopia kulankaa iyo sidii uu xafiiskiisa ugu soo dhoweeyay.
Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha debeda Ethiopia u qaabilsan Arrimaha Afrika oo kulankaa ka hadlay ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaa ay yeesheen labada Hoggaamiye ee Ethiopia iyo Somaliland mudadii uu socday lagaga wada hadlay sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, oo  uu xusay inay horeba uga lahaayeen iskaashi dhinacyada nabad-gelyadda, isku socodka iyo Ganacsiga.

Sidoo kale waxa uu Sarkaalkaa u hadlay wasaaradda arrimaha debeda Ethiopia sheegay in kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal waasaraha Ethiopia lagu soo qaaday shir lagu dar dar gelinayay xidhiidhka labada dal oo todobaadkii hore lagu soo gabo-gabeeyay Hargeysa, kaas oo masuuliyiin heer farsamo ah oo ka socday laba dhinac ay ku naaqishayeen qodobada ay iska kaashan karaan labada dal, balse qodobada kasoo baxay shirkaa dhowaan loo gudbin doono heer wasaaradeed.
Madaxweynaha Somaliland  waxa ku wehelinayay  kulanka uu la yeeshay Raysal wasaaraha Ethiopia xubnaha wefdiga Somaliland ee Wasiirrada Arrimaha debeda  iyo Madaxtooyadda, iyadoo  Raysal wasaaraha Ethiopia uu  dhiniciisa kulankaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha debeda u qaabilsan Afrika.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *