Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii u horaysay ka hadlay heshiiska ay wada gaadheen dhinacyada colaadu mudada dheer ka dhaxaysay ee isku hayay deegaanka Ceel-Berdaale  oo baaq ay shalay wada jir usoo saareen

 

ku sheegay inay qaateen nabad iyo in heshiis rasmi ah laga gaadho muranka daba dheeraaday ee deegaanka Gebilay iyo Dila.
Madaxweyne Siilaanyo  oo maanta   shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa wuxuu si rasmi ah u iclaamiyay in maalinta Salaasada ee fooda inagu soo haysa gobolada dalka oo dhan laga oogi doono salaadda roob doon ah. Waxaanu sheegay inay biyo la’aan ba’ani ka jirto Gobolada Sool, Sanaag iyo Tog-dheer.
Waxa kaloo uu  sheegay inay dalka ka jirto biyo la’aan ba’ani gaar ahaan gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer.waxaanu  isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,  “Marka hore waxa aan dadwaynaha reer Somaliland meel ay joogaanba waxan u soo gudbinayaa salaanta Islaamka.
maanta waxa aan halkan ka soo Jeedinayaa madaama aynu nahay dad Muslim ah dalkana ay ka jirto Biyo la’aan baahsani gaar ahaan Gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer meelo ka mida.
maaha marka la leeyahay Biyo La’aan ayaa taagan in ay jirto Abaari,  Laakiin waxa aynu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu Biyo La’aantaa inaga Kor-qaado. Dadka waxa aan u ugu Baqayaa Gaar ahaan Hay’addaha madaxa banaan hadaanu  dawladda Somaliland  nahay in aanu  talaabo ka qaadi doono  hawshaa oo ay xukuumaddu Tabaruc ka gelayso oo ay dedaal dheeraada ka gaysan donaan Biyana ay gaadhsiiso Gobolada Biyo La’aantu ka jirto, waxa kale oo aanu Amar siinay Hay’addaha Deeq Bixiyayaasha ah ee halkaa Jooga inay sida ugu dhakhsaha badan gacan uga gaystaan oo ay biyo ula gaadhaan dadka Biya la’aantu hayso.Waxa kale oo aanu Jecelnahay inay Dadka Bayac-mushtarka ah ee reer Somaliland ay Dadkaa Gurmad Biyood la gaadhaan oo ay gacan muuqata ka gaystaan.”
Madaxweyne  Axmed Siilaanyo wuxuu iclaamiyay in dalka oo dhan maalinta Salaasada ee fooda inagu soo haysa laga oogo oo laga tukado Salaad roob doon ah, isagoo yidhi “Madaama aynu nahay Ummad Muslin ah oo marka ay Biyo la’aan sidan oo kale ahi Dhacdo ee ay adkaato waxa Rasuulkii Suubanaa (SCW)) uu tukan jiray Sallaadda Roob-doonta isaga oo Alle SWT u bandhigaya  Baahida ay ummadani u baahan tahay naxariistiisa. Sidaa Awgeed inaga oo raacayna sunaha Rasuulka waxa aan farayaa Dhamaan ummada reer Somaliland inay ALLE ka Cabsadaan oo ay u toobad keenaan oo ay isna Saamaxaan kana Qayb galaan Salaada Roob-doonta ah ee ka dhici Doonta Dhamaan gobolada iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland Maalinta Salaasada Bisha Safar-na ay tahay  7/02/1432 ee ku beegan 11/01/2011 Saacaddu markay Tahay 8:00 Subaxnimo.”
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska nabadeed ee laga gaadhay colaaddii ka taagnayd deegaanka Ceel bardaalle wuxuuna isagoo heshiiskaa ka hadlaya  yidhi,  “Arrintii ka taagnayad galbeedka gaar ahaan Ceel-bardaale in la soo Af-jaray oo Nabad gelyo wanaagsan oo aad iyo aad looga hawl galay oo ay Shaqo fiicani ka dhacday dadkii Walaalaha ahaa ee halkaa wada deganaa ee Shaqaaqada mudada dheer soo jiitamaysay ay dhextaalay dhibaatada iyo Is Af-garan waagu ka taagnaa in meel wanaagsan oo aad iyo aad u fiican laga gaadhay  taasi oo ah mid ALLE loogu Mahadiyo. mida kale ee aan mahad naqa balaadhan uga Celinayo Labada beelood ee halkaa mudada badan isku hortaagnaa iyo intii ka Hawlgashay ee ka qayb gashay Shaqadaa ee isku day-day ama ficil badan ka gaysatay wakhti badanna ku bixiyey kuna dhaliyey in ay Dadkaasi isu soo jiidaan isuna keenaan oo ay hawshaa wax ka qabtaan.
Hawshaasina meel aad iyo aad u Wanaagsan ayey maraysaa markaa mahadnaq balaadhanna Dadkaa waan u soo jeedinayaa waxa aynu jecel nahay in aynu soo wada dhawayno oo aynu kuligeen hawsha meeshii ay inaga qabsato ee hawlahaasi inooga baahdaan aynu ka taageerno gacan-na ka gaysano wixii taabanaya Nabad gelyada Dalkeena.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *