Hargeysa(ANN)Alla haw naxariistee Cabdi Cali Guddi oo ka tirsanaa ciidanka Bilayska Somaliland ayaa shalay lagu dilay magaalada Hargeysa. Kadib markii sida ay sheegeen warar shebekadda Araweelonews ka heshay saraakisha Bilayska uu nin hubaysani rasaas ku furay duleedka dhinaca galbeed

ee agagaarka Buurta kala jeexan.

Askariga dhinatay ayaa ka tirsanaa ciidanka saldhiga Kood-buur ee magaalada Hargeysa. Waxaana la sheegay inuu halkaa u tegey hawlgal la xidhiidha dhinaca amaanka, iyadoo uu goobtaa dilku ka dhacay ka jiray muran dhinaca  dhulka ah.

Waxaana marxuumka lagu aasay maanta magaalada Hargeysa. Haseyeeshee ciidanka amaanka oo ilaa shalay ku hawlanaa inay gacanta kusoo dhigaan Ninkii geystay dilka Askarigaa ayaa maanta duhurkii keenay Cusbataalka guud ee Hargeysa  maydka marxuum lagu magcaabo Kayd Carab oo ay sheegeen inuu ahaa Ninkii ka danbeeyay dilka Askarigaa.  Wararka shebekada wararka ee Araweelonews ka heshay dhinaca saraakiisha Bilayska Somaliland ayaa sheegaya inuu Ninka dilka geystay baxsaday oo ay ilaa shalay ku raad joogeen, balse ay ciidanka iska heleen Wad-Bariis oo ku taala dhinaca Koonfur galbeed ee Magaalada Hargeysa, isla markaana uu isku deyay inuu is difaaco, isagoo hubaysan, sidaana uu ku dhintay markii ay ciidanku tacshiirado rasaas ah ku fureen.
Iyadoo maydka Ninkaa la keenay Cusbitaalka guud ee Hargeysa maanta duhurkii, waxaana halkaa ku sugayay Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cilmi Rooble Furre, hogaanka Ciidanka Bilayska C/llaahi Fadal iyo saraakiil kale oo Bilyska ah.  Maydka marxuumka ayaa la dhigay qolka Maydka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *