madaxda qaranka oo kulan yeeshay1Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa maanta kulan deg deg ah la yeeshay guddoomiyayaasha labada aqal Baarlamaan iyo madaxda saddexda xisbi qaran.

 

silanyo iyo ku xigeenkiisa1Kulankaa oo ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay mawqifka xukuumaddiisa ee ku waajahan shaqaaqada Taleex iyo dhawaaqyada dublamaasiyadeed ee ka imanaya wadamada reer galbeedka iyo qaramada midoobay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa gaashaanka ku dhiftay dhawaaqii dhawaan ka soo baxay dawladaha Maraykanka. Britain iyo weliba Ururka Midowga Yurub ee ay ku baaqeen in Somaliland ciidammadeeda kala baxdo gobollada Sool iyo Sanaag.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya kulankaa madaxda qaranka waxa uu yidhi, “Maanta, kulanka aynu isugu nimi waxay ujeeddadiisa ugu weyni tahay in aynu mawqifkeena Qaran ahaan iyo Ummad ahaanba u caddayno beesha caalamka iyo cid kasta oo danaynaysa.

Waxa jirta in ay Somaliland hore u caddaysay mawqifkeeda ku aaddan nabad ku wada noolaanshaha iyo degenaanashaha mandaqadda oo aanu aaminsanahay in ay cid walba dani ugu jirto.

Waxaanuse kor iyo hoosba u sheegayna in ay qadiyadda Somaliland lama taabtaan tahay, dawlad, xisbiyo, Barlamaan iyo shacbiba in aanu heegan u nahay adkaynta nabadgelyada iyo sugidda Qaran-nimada Somaliland.

Waddamada aanu deriska nahay iyo beesha caalamka waxaanu jecelnahay in aanu nabad ku wada noolaano, mana ogolin farogelin dabadeed, mid siyaasadeed iyo mid militari toona oo dhulkayaga iyo dalkayaga qadaf ku ah.
Shacbiga Somaliland waxan ugu baaqaya in ay u soo wada jeedaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabadgelyada Qaranka.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Kulankaasi oo markii uu dhammaaday waxa warbaahinta ay la hadlay madaxda kala duwan ee ka qaybgashay,kulanka, Baarlamaanka iyo gudoomiyayaasha sadexda xisbi oo sheegay in ay Madaxweynaha ku garabtaagan yihiin mawqifka xaalada waqtigan, isla markaana waxa ay tilmaameen sida ay lagama maarmaanka u tahay in mawqifka madaxweynaha lays garab taago si loo difaaco qaranimada iyo qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *