Mpeketon1Mombasa(Araweelo News Network)Kooxo hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar khasaare dhaliyay ku qaaday deegaanka dalxiiska caanka ku ah ee Mpeketoni oo ka tirsan

 

Jaziirada Lamu ee dalka Kenya, weerarka Al-shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka ayaa lagu qaaday dhismayaal ciidanka Booliska, Hay’addaha Dawlada, Bangiyadda iyo Huteelo kuwa dalxiiska ah oo ka tirsan deegaankaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya ayaa sheegay in Weerarka uu  dhaliyay in 48 qof ku dhintaan, isla markaana kooxda hubaysan ee weerarka qaaday ayaa deegaankaa ku dagaalamaysay dhawr saacadood, kuwaas gubay dhismayaasha qaarkood , balse waxa jira warar kale oo sheegaya in khasaaruhu intaa ka badanyahay.

Deegaanka dagaaalku ka dhacay qof joogay ayaa yidhi sidan, “Waxay ahaayeen ilaa 50 qof oo hub culus ku hubaysan, waxayna wateen sadex gaadhi oo ay ka babanayaan Calamada Al-shabaab ee Madaw, waxayna ku qaylinayeen Allaahu Akbar, waxay ahayd xiligga weerarku bilaabmay waqti caweyskii ay socdeen Ciyaaraha koobka aduunka (World Cup) oo ay dadku ka daawanayeen Huteelada iyo goobaha lagu caweeyo”ayuu yidhi qofkaa goob jooga ahaa oo u waramay Wakaaladaha wararka.
Kooxda weerarka fulisay ayaan la hayn raq iyo ruux meel ay mareen, waxaana loo malaynayaa in ay ku laabteen Somalia iyo fadhiisimihii ay weerarka kasoo qaadeen, waxayna dawlada Kenya si deg deg ah u xidhay xadka ay la wadaagto Somalia.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa oo ay ku macneeyeen in ahaa mid lagaga aargudanyo culimada muslimiinta ee lagu xasuuqay magaalada Mombaasa ee gobolka xeebaha Kenya oo ay sheegeen inuu mas’uul ka ahaa ciidamada Ammaanka xukuumadda Uhuru Kenyatta.

Al-shabaab waxay sidaa ku sheegtay war kooban oo ay kasoo saartay weerarkaa, waxayna ku xustay in goobaha ciidamadoodu weerareen ay ka mid ahaayeen  Hoteello,Bangiyo iyo saldhig boolis oo ciidamada dowladda Kenya ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale Al-shabaab waxa lagu yidhi warka ay kasoo saartay weerarkaa, “Haku riyoona abid in aan nabad gelyo ugu noolaataan dhulkiina inta ay ciidankiinu dalkeena ku gummaadayaan shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan”.

Waxa kale oo qoraalkaa Al-shabaab digniin kulul ugu dirtay dadka ajaanibka ah ee dalxiisayaasha ah ee ku sugan dalka Kenya, kuwaas oo ay sheegeen in tallaabada weerarkani u tahay fariin.

September 2013, waxay Al-shabaab qabsatay xarunta dhismaha ganacsiga kenya ee Westgate mall oo ay ku dileen 67 qof, isla markaana tiro kale oo dad ah la waayay, waxayna kooxdii weerarkaa fulisay si nabadgelyo ah uga baxday goobtaa sadex maalmood ka dib.

Weerarkan ayaa mar kale weji gabax ku noqday dalka Kenyan oo ay Al-shabaab weeraro iyo qaraxyo ka fulinaysay dalkaa tan Oct,  2010, markii ay Ciidanka kenya gudaha u galeen Somalia, halkaas oo ay dagaal kula galeen Al-shabaab oo iyaduna waqtigaa balanqaaday in ay weerari doonaan daaraha dhaadheer Nairobi haddii aanay dawlada kenya ciidanlkeeda kala bixin Somalia.
Al-shabaab waa Urur qayb ka ah Al-qaida, wuxuuna noqday ururka weerarada ugu badan fuliya marka loo eego ururada kale eek u jira shebekadda Al-qaida ee dunida ku filqan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *