araweelonewsHargeysa(Araweelo News Network) Laba askari oo ka tirsan Booliska ilaaliya Bangiga dhexe ee Somaliland oo ku yaal badhtamaha magaalada Hargeysa iyo laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay

 

tacshiirad rasaas ah. Kadib  markii mid ka mid askarta Bangiga dhexe qori uu sitay rasaastu ka qaraxday.

Labada Askari iyo labada qof ee shacabka ah ayaa la geeyay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa si loogu daaweeyo, weriye ka tirsan shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews oo booqday Cusbitaalka Hargeysa ayaa la kulamay mid ka mid ah Askarta dhaawaca oo xaaladiisu fiicnayd, wuxuuna sheegay in Askariga qorigu ka qarxay markii hore u cabaystay gaadhi uu ka shakiyay oo xawli ku soconayay, kaas oo sida uu sheegay Albaab ka mid ah Albaabada Bangiga kusoo dhowaaday, isagoo Muraayaduhu dalacan yihiin, balse markii ay gaadhigaa hubiyeen sii daayeen.
Hase yeeshee sida uu sheegay Askarigaa wax yar ka dib waxa askarta Aflagaadeeyay nin dareewal ah oo watay gaadhi kale oo wadada marayay, kaas oo isku deyay inuu cararo, isla markaana ay askartu ka daba tageen, isagoo doonayay inuu xiligaa oo wadadu saxmad ahayd xoog ku maro, “Markii aanu gaadhigaa ka daba tagnay, waxa qaraxday tacshiirad rasaas ah, taas oo ka qaraxday Askari anaga naga mid ah, waxana dhaawac soo gaadhay laba aan mid ahay oo Askarta ah iyo Laba qof oo shacab ah, mid ka mid ah labada Askari iyo qof shicib ah oo Wiil yar ah ayaa xaaladoodu xuntahay oo dhaawac xumi soo gaadhay” ayuu yidhi.

Askariga ayaa sheegay in la xidhay gaadhiga iyo ninkii watay, wuxuuna xusay in isaga xaaladiisu fiicantahay, balse uu arkayay Wiilka yar ee rasaastaa ku dhaawacmay oo ay caloosha kaga dhacday, kaas oo ku sugnaa waqtugaa Kaalinta Cajab ee u dhow Bangiga dhexe ee Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *