Beledweyn(Araweelo News Network)Dagaal jilbaha lays dhigay ayaa ka dhacay maanta Jidka isku xidha Beledweyn iyo Buula-berde. Kadib markii

 

Kolanyo gaadiid ah oo ay lahaayeen Ciidamada Huwanta Somalia ee AMISOM oo teegeeraya kuwa dawlada ay wadada u galeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa wararka ka imanaya deegaanka Beledweyn sheegayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay labada dhinac, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in ku dhowaad 50 qof oo dhinacyada ku dagaalamay halkaa ay dhinteen, isla markaana uu jiro dhaawac badan iyo gadiidka dagaalka iyo saad la kala qabsaday.

Sida laga soo xigtay dadka deegaanka dagaalka oo ahaa mid baaxad weyn, ayaa ka dhacay Deegaanada Garasiyaani iyo meesha lagu magcaabo Halgan.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu magcaabo Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa sheegay in dagaalka khasaare badan gaadhsiiyeen Ciidamada Huwanta ee AMISOM iyo kuwa Somalia, wuxuuna xusay in kolanyada dagaalku qabsaday doonayeen in ay sahay gaadhsiiyaan ciidamada ku godoonsan Buula-berde iyo Ceel-buur, balse ay suurta geliweyday, kadib markii ay la kulmeen weeraro isdaba joog ah.

 

Afhayeenka Al-shabaab ma shaacin khaasaraha dhabta ah ee dagaalka kasoo gaadhay dhinacooda, isla markaana faahfaahin dheeraad ah kama bixin khasaaraha ay dhinaca kale gaadhsiiyeen, balse waxa uu xusay in dagaalku weli socdo.

Ma jiro wax war ah oo ay kasoo saareen Ciidamada Huwanta AMISOM, dagaalka iyo khasaaraha soo gaadhay.

Dhinaca kale Ciidamada huwanta ee AMISOM iyo kuwa dawlada ayaa maanta la wareegay Degmada Jalalaqsi ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo aanu wax dagaal ahi ka dhicin.

Al-shabaab ayaa iskaga baxday Degmada Jalalaqsi oo ka mid ahayd deegaamada ay gacanta ku hayaan xoogaga Al-shabaab, iyadoo aan la ogayn ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaankaa halka ay uga baxeen, balse ciidamada Huwanta ayaa si nabad ah ula wareegay. Kadib markii ay laba maalmood fadhiyeen duleedka Jalalaqsi.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *