Faaqidaada Araweelonews

Maamulka Puntland ayaa maalmihii u danbeeyay kasoo baxayeen dhawaaqyo ay ku sheegayaan in dagaaladii ay kula jireen kooxda wadadaadka Sh. Maxamed Siciid Attam ee deegaanka Gal-gala ka guulaysteen, isla markaana ay firxadkii kooxdaasi u baxday dhinaca Somaliland,

gaar ahaan deegaano ka tirsan  gobolka Sanaag.
Hase yeeshee mar kale ayay masuuliyiinta Puntland kasoo baxeen dhawaaqyo kale oo ay ku sheegayaan inay kooxdaa Sh. Attam taageero ka helayeen ciidanka Somaliland ee deegaanka bariga Sanaag, iyagoo si gaara carbka ugu dhiftay magacyo saraakiil ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidanka Somaliland ee Bariga Sanaag, balse kasoo jeeda deegaanka Dhahar ee malayshiyada Sh. Attam kasoo jeedo.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe horaantii todobaadkan, wuxuu ku eedeeyay Somaliland inay taageero milateri u fidinaysay kooxda Attam, isagoo yidhi,  “Xubno ka tirsan Somaliland oo Wasiiro iyo saraakil ah,  ayaa waxay ka hadleen in Ciidamadooda aanay ka barbar dagaalamin Al-Shabaab,Waxaan cadeynayna in ciidan Somaliland qayb kamid ah oo 70-kamid ah joogeen buuraha Galgala oo ka barbar dagaalamay Maleeshiyaadka Al-Shabaab.”
Xukuumada Somaliland ayaa dhinaceeda beenisay dhawaaqyada masuuliyiinta Puntland, iyadoo wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ku tilmaamay weedhaha Maamulka Puntland kuwo aanay waxba ka jirin, balse mar kale ayay Maamulka Puntland ku celiyeen canbaaraynta ay u jeediyeen Somaliland ee la xidhiidhiyeen inay gacan siiyaan ciidamada Somaliland ee dhinaca Barigu malayshiyada Sh. Maxamed Attam, taas oo keentay inay mar kale jawaab ka bixiso xukuumada Somaliland eedahaa. Wasiirka warfaafinta Somaliland  Cabdilaahi Jaamac  Cismaan “Geel Jire”  oo ka jawaabayaa eedahaa ayaa  yidhi “Anagu Ciidamadayada ayaanu u war haynaa oo cid walba ka og, Ciidamada Somaliland kama qeyb qaataan dagaallo ay ku  taageerayaan Argagixisadda, haddii madaxda Puntland ay niman ay garanayaan oo ay isku reer yihiin magacyadooda iska yeedhiyaan. Macnaheedu ma aha in ciidamadii Somaliland ka qeyb galeen dagaal Argagixiso.”
Dhawaaqyada maamulka Puntland ku dhaleeceeyeen ciidamada Somaliland inay gacan siiyeen, ama ka bar-bar dagaalameen malayshida Sh. Attam, waxa ka horeeyay dacaayado ay warbaahinta Puntland ee maamulka Faroolle ku faafiyeen boggaga internetka, kuwaas oo ahaa  in hogaamiyihii malayshiyadaa lagu daweeyo isagoo dhaawac ah gudaha Magaalada Badhan, isla markaana firxadkii malayshiyadiisu galeen gudaha Somaliland. Kadib markii ay ku dhowaad 90 ka mid ahaa ku dileen dagaaladii ugu danbeeyay ee Gal-gala.  Sidaa awgeed ay Xukuumada  Somaliland cusub  ka codsanayaan inay gacan ka siiyaan sidii loo qabqaban lahaa firxadka kooxdaa, isagoo xusay inay xukuumadii hore ee Somaliland wada shaqayn jireen, isla markaana xukuumada cusub ka codsanayaan inay  u wada shaqeeyaan sidii maamulkii hore.
Xaalada deegaanka Gal-gala ayaa kululaatey oo cirka isku sii shareertay kadib markii ay foodda is dareen , ee  ay halkaa ka  dhaceen iska hor imaadyo dhiig ku daadtey oo soo jiitamayey tan  iyo 2006 dii , markaasi oo  maaleeshiyo Beeleedka Ilaalinta Kheyraadka Dabiiciga ah ee  daacadda u ah Maxamed Siciid Attom ka hor istaageen deegankooda in laga baadho Macdan , isla markaasna ay isku faro saareen Maleeshiyada Attom ee deegaanka Badhan   iyo cutobyo ka tirsan ciidanka  Puntland oo horkacaya shirkad laga leeyahey dalka Australiya oo Puntland heshiis kula gashey in dhulkaa macdan ka baadho, taas oo ay dadka deegaanku si weyn uga horyimaadeen.
  Kormeerayasha Xaaladda Somaliya  ayaa warbixin ay soo saareen bishii hore waxey uga digeen Dowladda Maraykanka in aanay Maamulka puntland kala qeybqaadan arrimaha ka socda deegaanka Gal-gala  oo maamulka puntland doonayo inuu uga faa’idaysto waxa loogu yeedho la dagaalanka argagaxisada, balse  xaqiiqdu ka duwan tahay sidaa oo ay salka ku hayso arimo dhaqaale iyo tabashooyin siyaasadeed oo u dhexeeya dadka deegaankaa iyo maamulka Puntland.
Dhamaadkii bishii July 2010,  ayay mar kale  ciidanka Puntland bilaabeen iney foodda is daraan  kooxaha daacadda u ah hogaamiye kooxeedka Islaamiga ah ee  Sh. Maxamed Siciid Attom, oo saldhigyo kuleh Buuraha fog ee Sanaag Barri ee Duleedka Boosaaso ee waqooyiga Somalia, taas oo keentay inay  wiiqanto xasiloonida iyo nabadgeliyada Puntland oo hada u muuqata mid  faraha kasii baxysa, isla markaana dadka deegaanka Baar-gaal ee dhinaca xeebta Bari ee Puntland  ayaa todobaadkii hore si weyn uga horyimi maamulka Puntland oo ay sheegeen inaanay ka mid ahaanayn oo ay ka bexeen maamulka Farroole, iyagoo  ku  canbaareeyay cadaalad xumo ay dusha ka saareen maamulka. Sidoo kale dadka deegaanka uu kasoo jeedo Sh. Attam ee Badhan ayaa sameeyay mudaharaadyo ay ku diidan yihiin waxyaabaha ka socda deegaanka Gal-gala iyo sawirka ay masuuliyiinta Puntland ka bixinaayaan xaalada deegankaa ee ay dagaalada ka socda kula xidhiidhinayaan kuwo ku lug leh aragagixisada.
Weedhaha kasoo baxay masuuliyiinta Puntland oo kusoo beegmay xili ay ka jiraan gudaha kacdoono lagu diiyan yahay maamulka Mr. Faroolle  ayaa keenay inay rayal caamka bulshada Somaliland is weydiiyaan sababta maamulka Puntland u  xidhiidhinayo malayshiyada dagaalagu u dhexeeyaan ee Gal-gala iyo ciidamada Somaliland, taas oo ujeedada nuxurkeedu xanbaarsan yahay siyaasado hor leh, iyadoo ay jiraan astaamo muujinaya  ujeedada siyaasadeed ee dhawaaqyada masuuliyiinta Puntland, kuwaas  oo loo  fasiran karo inay tahay  mid la doonayo in sumcada Somaliland oo waqtigan sii koraysa lagu waxyeeleeyo. Kadib markii ay xukuumada Somaliland dhegaha ka furaysatay codsi uga yimi masuuliyiinta Puntland oo ahaa inay deegaanada ay  kasoo jeedaan malayshiyada Attam galaan Ciiamada Somaliland. Inkasta oo Maamulka Mr. Faroolle sheegay inay kooxda attam ka dileen ku dhowaad 90 ka mid ah malayshiyada, balse ma jiraan meel ay kusoo bandhigeen guusha uu sheegtay in ciidamadiisu ka gaadheen dagaalka u dhexeeya malayshiyada wadaadka, waxayna warbaahinta gudaha ee puntland qaarkood soo bandhigeen  dad shicib ah oo ciidamadiisu ku fuliyeen dil gudaha Magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu eedeeyay inay xidhiidh la lahaayeen malayshiyada Attam. 
Si kastba ha ahaatee dhaleecaynta maamulka Puntland ayaa u muuqda mid xanbaarsan siyaasado qarsoon oo ujeedadiisu tahay inay ku jihayso dhinaca Somaliland kacdoonada siyaasadeed ee ka jira gudaha  iyo tabashooyinka dadka deegaamada ka imanaya ee ku waajahan siyaasada maamulkiisa. Sidoo kale dhawaaqyada maamulka Puntland iyo eedaha ay usoo saydheen dhinaca Somaliland ayaa u muuqda kuwo la doonayo  in lagu  carqaladeeyo sumcada Somaliland ee waqtigan soo jiidatay mujtamaca aduunka, taas  oo sababtay inay beesha caalamku usoo jeesato dumuqraadiyada, hurumarka iyo nabadgelyada Somaliland.

 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *