ha5Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Gudi heer qaran ah u magcaabay aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo

 

maanta ku geeriyooday Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sidoo kale dhambaal tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan shacabka Somaliland, gaar ahaana Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Ambaassadoor Axmed maxamed aadan (Qaybe) Gudoomiyahii hore ee Golaha wakiilada Somaliland.

Dhanbaalka Tacsida ah ayaa lagu yidhi sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golahayaasha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXAMED AADAN (QAYBE), oo ku geeriyooday saaka Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Oday qaran oo inaga baxay magac iyo taariikhna ku dhex leh bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u dhiska dalka, isaga oo marxuumku xilkii ugu danbeeyey ee uu qaranka ka soo qabtayna uu ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland wakhti dheerna ka mid ahaa tiirarka qarankani ku daydo ee halbawlaha u ah.
Madaxwaynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golayaasha qaranka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddi heer Qaran ah u saaray Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe.
Gudidaa oo kala ah Wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.
Wareegtada Madaxweynuhu ku magacaabay Gudida aaska marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)  oo maalinta beri 27 November 2013 si heer qaran ah loogu aasayo magaalada Hargeysa.
Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo ku magcaabay Guddida Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), ayaa u dhignaa sidan:-
“Mudanayaal.Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe).
Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuumka.
Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka”.
Dhinaca kale ku simaha gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, isla markaana ah Gudoomiye xigeenka  koowaad ee Xisbiga Maxamed kaahin Axmed , ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Axmed Maxamed aadan (Qaybe).

Dhambaalka tacsida ah ee Gudoomiye Ku xigeenka Xisbiga Kulmiye ayaa u dhignaa sidan:-

“Ku simaha gudoomiyaha xisbiga kulmiye, ahna gudoomiye k/xigeenka 1aad ee xisbiga kulmiye Md, maxamed kaahin Axmed , isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hogaanka xibiga , ka gudida fulinta , ka golaha dhexe iyo ka dhamaan taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga kulmiye wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka jamhuuriyada Somaliland isagoo ka tacsiyaynaya geerida ku timi marxuum Axmed Maxamed Aaadan (Qaybe) oo ahaa gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada Somaliland, wuxuu marxuumka alle uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *