KULMIYEAddis ababa(Araweelo News Network) Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Xoghayaha Xisbiga Xasan Siciid ayaa kulamo la yeeshay  Madaxda xisbiga tlallada dalka Ethiopia ee EPRDF,  kadib

 

markii ay booqasho ku tageen halkaa shalay.

Gudoomiye Muuse Biixi iyo Xoghayaha oo si weyn loogu soo dhoweeyay dalka Ethiopia, waxay madaxda dalka Ethiopia iyo hogaanka xisbul xaakimka kala hadleen arrimo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ee taariikhiga ah iyo arrimo kale.

Guddoomiyaha iyo Weftigiisu waxay maanta la kulmeen Ra’iisal wasaare-ku-xigeenka, ahna Xoghayaha Guud ee xisbiga EPRDF Ethiopia Ato Demeke Mekannon, sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu Addis-ababa ka soo saaray Xoghayaha guud ee KULMIYE  Xasan Siciid Yuusuf.
Sidoo kale war saxaafadeedkaa waxa lagu sheegay  in aanay waxba ka jirin warar sheegayay in xoghayaha xisbigu sheegay shalay ka hor intii aanay ka bixin Madaarka Hargeysa in ay aqbaleen dhamaan qodobadii lagu soo bandhigay kulan todobaadkan lagu qabtay guriga Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, kaas oo lagu soo bandhigay qodobo xal loogu raadinayo khilaafka xisbiga.

Qoraalka saxaafada loogu tala galay ee Xoghayaha Xisbiga kulmiye Xasan Siciid kasoo saaray Addis Ababa oo uu kaga hadlay kulamada ay la yeesheen Madaxda Xisbiga EPRDF iyo wararka la xidhiidha aqbalaada qodobadaa ee khilaafka xisbiga ayaa  u dhignaa sidan:-

“25-kii November 2013) waxa ka degay gegida diyaaradaha ee magaaladda Addis Ababa Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Xasan Siciid Yuusuf. Masuuliyiintan ka socotay Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyey hab-maamuus qadarin leh.

Weftiga oo uu wehelinayo Safiirka Somaliland Amb. Aadan Nuux Dhuule waxay maanta (26 Nov 2013) xarunta dhexe ee xisbiga EPRDF kula shireen Ra’iisal wasaare-ku-xigeenka, ahna Xoghayaha Guud ee xisbiga EPRDF Ethiopia Ato Demeke Mekannon, kulankan oo qaatay muddo ku dhow laba saacadood ayey masuuliyiinta labada dal kaga wada hadleen; aqoonsiga Somaliland, nabadgalyada, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo lskaashiga labada xisbi xaakim.

Weftigu waxay u sharraxeen Ra’iisalwasaare-ku-xigeenka in bulshada caalamka iyo dawladaha deriskaba ay dawladda Somaliland weli ka sugayso aqoonsigii ay xaqa u lahayd. Weftigu waxay ka xog-warrameen horumarka dhaqaale ee Somaliland hiigsanayso inay wax badan ka dhiman tahay inta aanay toos ula macaamili karin hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

Waxa kale oo laga wada hadlay siday labada dal isaga kaashan lahaayeen nabadgelyada. Waxay labada dhinac ka wadahadleen sidii loo daadajin lahaa heshiisyada lagu hirgalinayo Berbera-Addis Corridor. Weftigu waxay u bandhigeen in Dekadda Berbera awood u leedahay inay maamusho afar milyan oo metric ton (4000,000TM) sannadkiiba, marka laga reebo baahida Somaliland taas oo dabooli karta boqolkiiba sodon 30% baahida Ethiopa ee dekadeed.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sii kordhinta deeqda waxbarasho ee Somaliland ka hesho Ethiopia iyo u fududaynta xaaladaha la soo gudboonaada ardayda.

In labada xisbi  iska kaashadaan xagga siyaasadda waayo-aragnimada iyo tababarada.
Gunaanadkii waxa si guud la isla gartay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada badan ee laga wada hadlay iyo in labada xisbi sii adkeeyaan xidhiidhkooda.

SIXITAAN
Dhinaca kale, War-saxaafadeed aan shalay ku bixiyey madaarka Hargaysa waxaad moodaa in jaraa’idka iyo websites ka qaarkood ay si qaldan u baahiyeen iyaga oo sheegay in KULMIYE uu aqbalay shuruudihii ahaa inaan shanta sanno ee soo socda waxba laga beddelin golaha dhexe, guddiga fulinta iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE. Arrintaasi sax maaha.

Shirwaynaha xisbiga oo keli ah ayaa awood u leh doorashada guddoomiyaha, ku-xigeenada, xoghayaha guud iyo golaha dhexe ee xisbiga, waa awood aanay cid kale farogelin karin, shirweynaha ayeyna u taalaa. Hoggaanku xisbigu ma farogalin karo awoodaha sharci ee shirweynaha xisba. Marka shirwaynuhu hawshiisa dhammaysto Guddida Fulinta waxa magacaabaya guddoomiyaha xisbiga, waxaanna ansixiya golaha dhexe, iyadana sharcigaas baa loo marayaa.

Maalmaha kooban ee ka hadhay shirwaynahana Guddoomiyaha xisbiga ayaa awood u leh haddii uu wax ka beddelayo iyo haddii uu sidooda u daynayo Guddida Fulinta iyo guddida qabanqaabada shirweynaha.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska Xoghayaha.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *