photo By. Arraale M. JamaHargeysa(Araweelo News) Gudoomiyihii hore ee golaha Wakiiladda Somaliland Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo ahaa siyaasi iyo Dublamaasi ruugcadaa ah ayaa ku geeriyooday cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

 

Allah ha u naxariistee Marxuum Qaybe oo ahaa nin si weyn looga yaqaanay geriyaga Soomaalida iyo meelo badan oo dunida ah, wuxuu ahaa nin siyaasada iyo maamulka kusoo jiray mudo ka badan konton sanadood.

Marxuum Qaybe oo mudooyinkii u danbeeyay aanay xaaladiisu wanaagsanayn, waxaana liidatay xaaladiisa caafimaad.

Alleh  ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), wuxuu ahaa Oday rug caadaa ah oo arrimaha siyaasada iyo maamulka kusoo jiray mudo ku dhow laba qarni, wuxuuna ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay mandaqada geeska Afrika iyo meelo badan oo dunida ah.
Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe, wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaad fara ku tiris ah oo  siyaasadda Soomaalida safka hore kaga soo jiray tan iyo sanadkii 1960-kii.
Marxuum Qaybe, wuxuu lahaa Taariikh balaadhan oo Dublamaasiyadeed, wuxuuna Sanadkii 1930-kii ku dhashay Magaalada Cadan ee Koonfurta Yaman, isagoo ku dhex dhashay saldhig millateri oo lagu magacaabi jiray ‘Royal Nevy Station’, kaas oo ku yaallay Xaafadda Khoor-maksar ee magaalada Cadan.
Aabihii Maxamed Aadan ayaa ka shaqayn jiray xeradaa Milateriga ee uu ku dhashay Marxuum Qaybe xiliggaa oo ay Soomaalidu ahayd dadka magaalada Cadan maamula marka laga yimaado Mustacmarkii Ingiriiska ee gacanta ku hayay Somaliland iyo Cadan.
Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo kasoo jeeday qoysas xadaar fog,  wuxuu yaraantiisii ku kacaamay magaalada Cadan sida uu ka sheekayay marar badan, halkaa oo uu ku sugnaa  illaa uu dhamaystay waxbarashadiisii dugsiga sare, wuxuuna mudo kooban la shaqeeyay ciidamada Royal Nevy sida uu u sheegay Carraale M. Jaamac oo ah suxufi marar badan la kulmay Marxuum Qaybe intii uu noolaa, isla markaana ka qaaday Gudoomiye Qaybe waraysigii ugu horeeyay ee uu bixiyo mudadii uu kusoo laabtya Somaliland ee uu noqday Gudoomiyaha golaha Wakiiladda mudadii u dhacaysay 1997-2005.

Marxuum Qaybe Sanadihii Kontomeeyadii waxa uu kasoo wareegay Magaalada Cadan, isagoo codsaday in loo bedelo Somaliland, waxaana shaqadiisa loo soo bedelay Hargeysa sida uu xog warankaa ku sheegay, isagoo ka shaqeeyay xafiiskii DC-ga ee maamulkii Mustacmarada Boqortooyada Britain ee xukumayay Somaliland.

1956-dii waxa uu noqday Xoghayihii Dawladda Hoose ee Degmada Berbera, markaa ka dibna waxa uu deeq waxbarasho ay ka heleen isaga iyo Cismaan Indhoole jaamacad ku taalla magaalada London.
Marxuum Qaybe markii uu soo dhamaystay jaamacadda waxa uu noqday xoghaha Baarlamaanka Somaliland, isagoo sidoo kalena xoghaye u ahaa gudidii dalacaadda iyo waxbarashada debadda.

Mar kale Bishii Janaury 1960-kii ayuu London dib ugu noqday si uu xeer hoosaadka Baarlamaanka ingiriiska u soo barto.

Intii u dhexaysay sanadihii 1960-1985 Waxa uu dalkii la isku odhan jiray Somalia safiir u ahaa Muddo 25 sanadood ah, wuxuuna xiligaa oo ku beegnayd markii uu socday dagaalkii qaboobaa  kasoo shaqeeyey dalalka Midowgii Soofiyeeti, Maraykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay, muddo shan sanadood ahna waxa uu ahaa xoghayahii joogtada ahaa ee wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee dalkii Somalia , muddo lix bilood oo ku beegnayd markii ay sii burburyasay dawladii Somalia waxa uu ahaa wasiirka arrimaha Dibadda.

Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo ahaa Ambassador iyo Siyaasi rug-cadaa ah oo khibarad dheer ulahaa arrimaha Maamulka Baarlamaanka, Siyaasada iyo arrimaha dublamaasiyada, wuxuu Sanadkii 1997,  ku soo noqday Somaliland, isagoo noqday Gudoomiyihii Golaha wakiilada ee JSL intii u dhaxaysay 1997 -2005, wuxuuna door weyn  ku lahaa diyaarintii Dastuurka Somaliland, iyadoo magacaiisu ku saxeexanyahay Dastuurka qaranka.

Allah ha u Naxariistee Marxuum Qaybe, wuxuu shaqsi Taariikh weyn oo aan lasoo koobi Karin ku lahaa Mandaqada iyo saaxada siyaasada Soomaalida, wuxuuna lahaa xaas, balse wax ubad ah kagama tegin.
Marxuum Qaybe oo xiliggan xubin sharafeed ka ahaa Golaha Guurtida, isla markaana ka mid ahaaa Latiliyeyaasha Madaxweynaha waxa uu saaka ku geeriyooday Cusbitaalka Magaalada Hargeysa, waxaana maalinta Arbacada 27 November 2013, marxuumka  aas qaran loogu samaynayaa Hargaysa.

Tafaftiraha shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo ummmada Somaliland iyo bulshada Soomaaliyeedba ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Aadan Qaybe, waxaana Illaahay uga baryaynaa inuu marxuumka janadii Fardawsa ka waraabiyo iyagana samir iyo Iimaan ka siiyo .

Innaa Lilaah Wa Innaa Ilayhi Raajucuun

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *