Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Golaha Wakiilada Somaliland dib ugu soo celiyay xeerka Gobolada iyo degmooyinka oo ay hore labada aqal ee Baarlamaanka (Wakiilada iyo Guurtidu) u ansixiyeen.
Madaxweyne Siilaanyo  wuxuu wax ka bedel ku soo sameeyay qodobo kala duwan, kuwaas oo uu  Golaha  wakiilada ka dalbaday inay wax ka bedel ku sameeyaan oo ay waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan.
Qoraalka Madaxweynuhu u soo gudbiyay Golaha oo maanta loo qeybiyay Mudaneyaasha ayaa uu u dhignaa sidan:-
“Mudaneyaal, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa lifaaq wax ka bedel iyo kaabid xeerka Gobolada iyo degmooyinka Xeer LR.23,  si ay isula jaan qaadaan wasaaradaha iyo Hayadaha dawladu una fududaato wada shaqaynta dhexdooda. Waxaanan idinka codsanayaa si xishmad iyo qadarin leh uga gudataan waajibaadkiina dastuuriga ah.
Wax ka bedelku waa sidan hoos ku xusan:-
Wax ka bedel lagu sameeyay xubinta 9-aad oo ah farsamada iyo adeegyada bulshada Qodobka 71-aad fiqrada shanaad xarafyada (A, B, D)  oo u dhignayd sidan:-
Xarfaha (A) oo u dhignaa sidan:-
(A)   Golaha degmada waxay xaq u leeyihiin kormeer iyo warbixin, la tashi madaxda wakaalada Biyaha iyadoo mar walba ka duulaya daryeelka arrimaha bulshada ee dhinaca biyaha, waxaanay hoos imanaysaa wakaaladaha Biyuhu maamulka dawlada Hoose.
Waxaana loo bedelayaa:-
(A)- Golaha degmaddu, waxay xaq u leeyihiin kormeerida iyo ka warhaynta iyo wada  shaqaynta shaqo ee wakaalada Biyaha, waxayna Wakaaladda Biyuhu hoos imanaysaa dawlada dhexe oo ay wakiil u tahay Wasaarada Macdanta iyo biyaha.
Xarafka (B) oo u dhignaa sidan:-
Golaha Degmaddu waxay warbixin u soo gudbinayaan wasaarada arrimaha Gudaha.
Waxa loo bedelay sidan:-
(B)   Golaha Degmadu waxay warbixinta ku saabsan arrimaha Biyaha waxay u soo gudbinayaan wasaarada macdanta iyo Biyaha.
Xarafka (D) oo u dhignaa sidan:-
Maareeyaha iyo Maareeye ku Xigeenka wakaalada Biyaha waxa magacaabaya Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, marka uu la tashado Madaxweynaha, marka laga reebo Maareeyaha iyo maareeye Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa oo uu si toos ah  Madaxweynuhu u magacaabayo.
Waxa loo bedelay:-
(D)- Maareeyaha iyo Maareeye Ku Xigeenka waxa magacaabaya Madacdanta iyo biyaha, marka uu la tashado madaxweynaha JSL, marka laga reebo Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Caasimada Hargeysa oo uu madaxweynuhu magacaabayo.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *