Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa go’aan shan qodob ka kooban ka soo saaray colaadii dhowaan ka oloosantay deegaanka Kalshaale ee u  dhaxaysay dhinacyada deegaankaa, taas oo ka dhalatay Berkedo iyo lahaanshiiyaha Kalshaale,

wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo ku xusay qodobada uu soo saaray in deegaankaasi hada wixii ka danbeeya inuu fadhiisin u noqonayo Ciidamada Qanka Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiisa madaxweynaha oo  uu ku saxeexanyahay Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, kaas oo lagu sheegay inuu  madaxweynuhu  soo saaray qodobo lagu soo afjaray dhibaatadii ka taagnayd Kalshaale. Sidoo kale  wuxuu  Madaxweynuhu qoraalkiisa  baaq ugu diray labada beelood inay ciidammadooda ka qaadaan deegaanka murranku ka taagnaa..
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda  ayaa u dhignaa sidan;- “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed  Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo),  waxa uu maanta Go’aanka  ka soo saaray  Arrintii Kalshaale ka dhacday, waxaanu Madaxweynuhu Go,aankaa ku yidhi.

Arrinta Kalshaale ka dhacday waa arrin labo beelood oo Somaliland ah u dhaxaysay,  Dilalka ka dhacayna aad iyo aad ayaan uga xumahay dadkii ku dhintayna illaahay naxariistii janno ayaan uga baryayaa, Ehlladoodii iyo dhamaan Qaranka Somaliland waan uga tacsiyadaynayaa.

Markii arrintani dhacday Dawlad-ahaan waxaanu qaadnay talaabadii ku haboonayd, isla markiiba waxaanu kala dhexdhignay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL si ay u kala caabiyaan Malayshiyaadka labada beelood nabadana u sugaan, isla markiiba waxaanu u diray guddi dhexdhexaadineed oo ka kooban Xukuumadda, Golayaasha, Xisbiyada, Madaxdhaqmeedyo, iyo Culima-awdiin.

Anigoo tixraacaya xukunkii ay soo saareen guddigii dhexdhexaadka ahaa ee ka garsooray arrintan.

Anigoo maanka ku haya ahmiyaddda nabadgelyadu Qarankan u leedahay iyo jidkii dheeraa ee loosoo maray.

Anigoo fulinaya Masuuliyadayda iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee isaaran waxaan go’aamiyay: –

1. In Goobaha shaqaaqadu ka dhacday iyo deegaanka lagu muransanyahay in maanta laga bilaabo ay ahaato fadhiisin ciidanka Qaranku leeyahay oo ka caagan dhisme iyo qodaal balse ay labada beelood wada daaqikaraan, wixii hanti ka gashay labada dhinacna dawlada ayaa u celinaysa cidii lahayd.

2. Dhimashadii, Dhaawicii iyo Hantidii ku luntay shaqaaqadii dhexmartay labada beelood waxaa dawladu u raacayaa una fulinayaa sidii ay ku xukuntay guddigii garsoorka  ahayd.

3. Waxaan labada dhinacba farayaa inay kala baxaan ciidamadooda Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane iyadoo aan laga ogolaan doonin ciidamo beeleed abaabulan, waxaa keliya oo ka hawlgelikara ciidamada Qaranka JSL.

5. Waxaan mar labaad baaq iyo Gogol nabadeed usoo jeedinayaa beelaha Buuhoodle, Sool iyo Sanaag Bari.

Waxaan mahad ballaadhan usoo jeedinayaa: –

a)      Ciidamada Qaranka dadaalkii iyo dhabar adaygii ay sameeyeen,

b)      Guddigii dhexdhexaadka ahaa oo si hufnaan iyo cadaalad leh uga garqaaday mashaqadii dhexmartay labada beelood,

c)      Xubnihii dawlada iyo xisbiyada ee halkaa sida fiican uga soo shaqeeyay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *