Hargeysa(ANN)In ka babadan  Kontameeyo haween ah oo  ka mid ah Hilibleyaasha magaalada Hargeysa  oo la rumaysan yahay inay ka mar qaataan Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Jiciir ayaa  maanta mudaharaad salmi ah oo ka dhan ah Wasiirka Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose la hortagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Mudaharaadkaa oo ay kaga  cabanayeen

tallaabo uu Wasiirku ku  kala diray Guddidii Iskaashatada Hilibleyaasha ee Nafaqo ka dib markii khilaaf xooglihi soo kala dhex galay Hilibleyaasha oo ku muddo dheer ku muransanaa sharciga Hoggaanka ururkaas.
Waxaana loo balansan yahay in la doorto hoggaankii ururkaasi maalinta Isniinta ee barri, iyadoo ay taageereen inta badan xubnaha Iskaashatada Nafaqo.
Haweenkan oo  ruxayay Boodhadh daabacan iyo qoraal ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay kaga soo horjeedeen Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaana ka mid ahaa  “No Gaboose, ha dhaco Wasiirka Arrimaha Guduhu iyo erayo kale oo nuxur ahaan kuwaasi la mid ahaa.”
Mid ka mid ah horkacayaasha mudaharaadeyaashaasi oo ka hadlaysay dareenkeedda ayaa ku tiraabtay  “Cadaalad darro ayaa na soo saartay, waxaanu nahay Hooyooyinkii shaqaysanayay ee muruqmaalka ahaa. Waxaanu lahayn maamul hadda ka hor. Waxaas oo hooyo ahi Hilible weeyaan  waxaanu diidan nahay faro gelin uu nagu sameeyay Wasiirka oo sheegay inuu kala diray gudidayadii sharciga ahayd.”
“Wuxuu yidhi Wasiirku UDUB iyo UCID baan xaadhayaa Cadaalad darro ayuu nagu hayaa, 80 qof oo hilible ah oo uu isagu wato ayuu  geeyay Hoolka dawlada Hoose oo uu ku yidhi doorta Hoggaanka ururkiina. Nooma talliyo. Anagaa Guddi ahayn 21 xubnood ayuu meesha ka saaray,”ayay tidhi Haweenaydaasi Hilibliha ahi.
Ciidanka Booliska ayaa xoog ku kala kaxeeyay haweenkaasi oo sida qaarkood ay sheegeen ka mid ahaa koox Hilibleyaal ah oo ka amar qaata Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo isagu faro gelin ku hayay Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo oo uu ku cadaadin jiray inay hoos tagaan shirkada kawaanka maamusha ee Maandeeq, oo lala xidhiidhiyo  inuu maayarku saami ku leeyahay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *