Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan gaara kula yeeshay qasriga madaxtooyada Somaliland wefdi ganacsato Sucuudiyaan ah, kuwaas oo ujeedada socdaalkooda ku sheegay sidii ay hawlo ganacsi iyo maalgashi

uga samayn lahaayeen Somaliland.
Kulanka Madaxweynaha iyo weefdiga Sucuudiyaanka ah ka dib qoraal kasoo baxay  xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyadda C/llaahi Daahir Cukuse ayaa lagu sheegay waxyaabaha ay ka wada hadleen ganacsatada Sucuudiga iyo Madaxweynaha Somaliland.
Qoraal saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa u qornaa sidan;-“ Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed  Maxamed  Maxamuud  (Siilaanyo), waxa  uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka Socda Dalka Sucuudiga  Weftigan oo ka Kooban 5 Xubnood Dalkana soo Gaadhay Shalay (Jimcihii) waxa ay Saaka Madaxweynaha
kulan Saacadoo qaatay kula yeesheen Qasriga Madaxtooyada.

Weftiga oo ujeedda Socdaalkoodu yahay in ay Dalka Maal- gashi ku sameeyaan oo ay Dawlada Somaliland Xidhiidh Ganacsi la yeeshan Gaar ahaan Dhinacyada Shiidaalka.

Dalkana ay Gacan ka Gaystaan Wax soo Saarkiisa Madaama oo bay yidhaahdeen Dalkani uu ku Talaabsaday Talaabo Wax ku Ool ah oo u baahan in laga Taageero Dhinacyada Wax-soo saarka si ay  uga mid noqdaan Wadamada aadka u Danaynaya inay Somaliland layeeshan Xidhidh noocan oo kale ah.

Madaxweynuhu wuxuu Weftigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka gaar ahaan Dhinaca Ganacsiga waxaanu kusoo dhaweeyey Weftiga Fikradooda ah inay Somaliland La yeeshaan Xidhidh Ganacsi taas oo uu madaxweynuhu u balan qaaday inay Gacmo Furan ku soo dhawaynayaan Waxna la qabanayaan Cidkasta oo Dalkan Maal-gashi iyo wax soo saarba ka damacsan gaar ahaan Dhanka Ganacsiga. Gebagebadii Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Ganacsi ee Dalku maraayo taasi oo uu u sheegay inay tahay mid ay Reer Somaliland iyagu ay is
gaadhsiyeen heerkaa ay Maanta taagan yihiin waxaana Tusaale idinku Filan ayuu yidhi madaxweynuhu in ay Maanta Caalamku Danaynayaan Xidhidh ay Dalka la Yeeshan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Dhinaca kale warar la xidhiidha socdaalka wefdiga ka yimi dhinaca dalka Sucuudiga ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelonews inuu kooxda carbeed hogaaminayay Nin ka tirsan Masuuliyiinta Shirkadda ARAMCO, balse qoraalka madaxtooyada laguma xusin magacyadda xubnaha wefdiga Carbeed iyo inay xidhiidh la leeyihiin shirkaddaha caanka ah ee Shidaalka, kuwaas oo qaarkood xiligii dawladii Maxamed Siyaad Barre calaamadsaday ceelasha Shidaalka ee Somaliland oo waqtigaa ka mid ahayd nidaamkii dawladii Digteytarka ahayd ee jamhuuriyaddii Soomaaliya.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *