qalabka berbara1Burco(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxuud (Siilaanyo) ayaa gaadhay maanta baraqadii Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Kadib markii uu xalay u hoyday

 

Magaalada xeebta ah ee Berbera, halkaas oo Madaxweyne Siilaanyo ka furay mashaariic  dawlada Hoose ee Hargeysa fulisay iyo kuwo dawlada dhexe ka hirgelisay magaalada.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu saaka xadhiga ka jaray wadooyin laga hirgeliyay Magaalada Berbera. Sida wadada isku xidha Xeebta Batalaale iyo Magaalada, dhismayaal iyo wadooyin kale , iyadoo dhismayaasha qaarkood yihiin kuwo lagu balaadhinayo dekedda Berbera.

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhagax-dhigay dhismayaal iyo mashaariic la sheegay in xukuumaddu ka hirgelinayso xarunta gobolka Saaxil, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyeen xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda u baxay dhinaca Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

M siilanyo1Madaxweyne Siilaanyo ayaa guriga Martida kula hadlay dadweyne boqolaal ah oo soo dhoweeyay, wuxuuna uga mahad celiyay soo dhowaynta ay soo dhoweeyeen, balse Madaxweynuhu kama hadlin wax dhaafsiisan hadalkaa kooban ee mahadnaqa ah.

Booqashada Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inay qaadato dhawr maalmood, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn ujeedada booqashada Madaxweynaha eek u waajahan gobolad bariga, balse waxa  la filayaa in uu Madaxweyne Siilaanyo gaadho deegaanka Oodweyne ee dhinaca koonfurta hawd kaga beegan Magaalada Burco, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo u qorshaysan tahay in safarkiisa booqashada ah ee gobolada bariga ku gaadho ilaa gobolka Sanaag, isla markaana waxyabaaha ugu badan ee u qorshaysan inuu dadka kala hadlaa yihiin arrimaha dhinaca malgashiga dalka iyo sidii looga faa;idaysan lahaa, taas oo la xidhiidha kadib markii shirkad baadhis shidaal ka waday gobolada bariga Somaliland dhowaan joojisay hawlihii baadhista shidaalka ee ay ka waday deegaamadaa, taas oo lala xidhiidhiyay khilaaf iyo muran ka dhashay qaabka loo maamulay mashruucaa iyo qandaraasyadii ay bixisay oo dadka deegaanku si weyn uga biyo diideen.

dekeda wado1Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo ay u qorshaysantahay inuu dhagax-dhigo dhismaha wadada isku xidha Ceergaabo iyo Burco, taas oo dadka deegaanku si weyn uga qaylinayeen dhawr iyo labaatankii sanandood ee ay Somaliland jirtay, iyadoo dhismaha wadadaasi si weyn wax uga tarayo dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *