sawirada Muuqaalka Kuliyada dararweyneMudadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka talinaysay dalka, wuxuu Madaxweynuhu isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo safaro ugu baxay dalal badan oo dunida ah, kuwaas oo uu xiliyo kala duwan

 

 

booqashooyin ku tegey.

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo mudadii sadexda sananood ahayd ee  uu xilka hayay, wuxuu safaro kala duwan ugu baxay gobolada dalka, kuwaas oo inta badan la xidhiidha  mashaariic xukuumddiisu fulisay oo xadhiga laga jarayo, amma kuwo cusub oo la doonayo in la fuliyo.

Dhaqdhaqaaqa Madaxweynuhu kuma koobna ee keliya safarada dhinaca dalalka debeda iyo booqashooyinka gobolada dalka, amma deegaamo ka tirsan gobolada, balse waxa xusid mudan sida dhacda marar badan in  Madaxweyne Siilaanyo kasoo baxo qasriga Madaxtooyadda si uu uga qaygalo munaasibado kala duwan, kuwaas oo intooda badani yihiin kuwo dhinaca Waxbarashadda ah iyo mashaariic  uu dhagax-dhiggo , amma munaasibado kale oo heer qaran amma heer caalami ah, isla markaana aan inta badan ka baxsanayn caasimadda Hargeysa.

Hase yeeshee waxa jira dhaliilo kasoo baxa dhaqdhaqaaqyada iyo socdaaladda Madaxweynaha ee safarda dalka gudihiisa iyo kuwa aan dhaafsiisnayn caasimadda Haregysa, kuwaas oo aan la xidhiidhin ujeedooyinka safaradiisa, amma booqashooyinkiisa, balse saamayn ku yeesha muuqaalka xukuumaddiisa oo si qaabdaran looga arko is-dhexyaac dhinaca Bratakoolka ah oo masuuliyiinta Madaxweynaha la socdaan sabab u yihiin, taas oo saamayn ku yeen karta ammaanka Madaxweynaha iyo wefdigiisa marka ay jiraan booqashooyinka dalka gudihiisa iyo dabcan ka qaybgalka munaasibadaha kale.

Muuqaalada  is-dhexyaaca ah iyo foolxumooyinka is bar-bar yaaca masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee safaradda iyo booqashooyinka, amma  ka qaybgalka munaasibaddaha  ee Madaxweynaha, waxa tusaale loo soo qaadan karaa safarkii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo kaga baxay caasimadda Hargeysa, kaas oo uu kasii bilaabay  furitaanka Kuliyadda Tababarka Saraakiisha ee Dararweyne oo Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray 14 Sep, 2013.

Madaxweyne Siilaanyo waxa ka qaygalka munaasibadaa ku weheliyay  inta badan xubnaha golihiisa wasiiradda,  Madaxda Ciidamadda , qaar ka mid ah Masuuliyiinta Ha’addaha madaxa-banaan, xubno ka mid ah mudanayaasha labada gole Baarlamaan, Madaxdhaqameed  iyo shaqsiyaad aan xilallka ay qaranka u hayaan la ogayn, balse sida inta badan dhacda lagu arko munaasibadaha iyo safaradda Madaxweynaha.

Sida dhacda xiliyadda Madaxweynuhu hawlihiisa shaqo ee ka baxsan xayndaabka qasriga Madaxtooyadda, waxay masuuliyiintu cidleeyeen xafiisyadooda, iyagoo oo doonaya in ay ka qaybgalaan munaasibadaha Madaxweynuhu ka qaybgelayo, amma inay qayb ka noqdaan booqashooyinka safaradda Madaxweynaha ee deegaamadda dalka, waxayna dayacaan hawlaha xafiisyadooda u yaal iyo shaqooyinkii ay Madaxweynaha masuulka uga ahaayeen ee ay qaranka u hayeen.

Masuuliyiintaa hawlohooda dayaca ee ka qaybgala munaasibadaha iyo safarada Madaxweynaha, ayaa  si qaabdaran u dhinac yaaca Madaxweynaha, kuwaas oo lumiya Baratakoolka iyo nidaamka, iyadoo mid walba doonayo inuu Madaxweynaha ku dhowaado, waxayna taasi madasha iyo munaasibadaha Madaxweynuhu ka qaybgalo u muujisaa madal fowdo ah oo aanu jrin nidaam iyo kala danbayn, taas oo khatar gelinkarta ammaanka Madaxweynaha, isla markaana cadawgu  ka faa’idaysan karo is dhexyaaca masuuliyiinta xukuumadda ee xafiisyada iyo shaqooyinkooda u cidleeya inay ka qaybgalaan munaasibad Madaxweynuhu ka qaybgalay.

Sidoo kale muuqaalada noocan ah, waxay muujiyaan in aanu jirin qorshe  dhinaca Madaxtooyadda oo marka hore ka qaybgalka munaasibadaha noocaa ah iyo safarada Madaxweynaha ee gobolada dalka oo lagu diyaariyo Madaxtooyadda, kaas oo ah ajandaha ka qaybgalka munaasibadaa, amma safarka Madaxweynaha oo sheegaya cida ka ku wehelinay Madaxweynaha iyo kuwa ay yihiin masuuliyiinta raacay, iyadoo loo eego ujeedada safarka iyo munaasibadda la doonayo in Madaxweynuhu ka qaybgalo.

Munaasibada u danbaysay ee Madaxweyne Siilaanyo ka furay xarunta tababarka saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Dararweyne oo qiyaastii 25 km dhinaca Woqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa. Ka hor intii aanu Madaxweynuhu usii dhaafin dhinaca Magaalada Berebra iyo gobolada bariga, waxa la arkayay  wasiiradda iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda oo gaadhayay  tiro  ahaan ku dhowaad konteneeyo, isla markaana dayacay shaqooyinkii ay qaranka u hayeen midba midka kale ka garbinayo dhinaca Madaxweynaha, iyadoo muuqaaladaa laga arkayay  in kooxda awooda badan ee ay hormoodka u yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale  ku jireen iska caabin ay doonayaan in wasiiradda kale iyo masuuliyiinta kale aanay usoo dhowaan Madaxweynaha, taas oo keentay in Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali  Caddami oo ka mid ahaa wefdiga, isla markaana wasiirka keliya ee shaqadiisa ay  la xidhiidhay munaasibada Madaxweynuhu ka qaybgalay  oo ay ahayd baratakool ahaan inuu Madaxweynaha garabkisa istaago uu dib isaga gurtay  oo safka danbe isa soo taagay markii  uu arkay in aanay jirin nidaam iyo kala danbayn, balse waxa keliya ee loo tartamayaa tahay in Madaxweynaha lagu dhowaado oo masuul walba doonayo inuu garabkiisa istaago si uu safka hore iyo muuqaalada sawirada uga muuqdo.

Si kastaba ha ahaatee dhaqanka masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee kala danbayn la’aanta iyo baratakoolka ka dhasha safarada iyo booqashooyinka Madaxweynaha iyo dhaqdhaqaaqyadiisa hawlaha ka baxsan qasriga Madaxtooyadda ayaa u baahan in dib loo eego, kuwaas oo ka sokow luminta haybadda iyo kala danbaynta nidaamka dawladnimo iyo dayaca shaqooyinka qaranka saamayn ku yeelan kara ammaanka Madaxweynaha.

jaamac132@gmail.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *